Cirro Oo Sixitaan Ku Sameeyay Hadal Uu Isagu Hore U Yidhi

0
1546

Stockholm (Hargeisa Press): Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed Cirro, ayaa Sixitaan ku sameeyay hadal hore uga soo yeedhay isga.
Hadalkaasi oo hadal-hayn badan iyo falan-qayn ba ka dhex abuuray bulsgadda.
Kadib waraysi uu C/raxmaan Cirro, laba maalmood ka hor dalka Sweden ku siiyay telefishanka Horn Cable.
Erayga hadal-haynta badan dhaliyay ayaa ku saabsanaa qaab-dhismeedka iyo kala saraynta hogaanka xisbiga Waddani.
Taasoo uu sheegay guddoomiye Cirro, in uu khaldamay markii uu ka hadlayay arrinta la xidhiidha derejadda xilka C/qaadir Jirde iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan.


“Xisbiga waxaa u sareeya guddoomiyaha xisbiga. Waxaa ku xiga guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah. Waxaa ku sii xigga Hogaamiyaha xisbiga” ayuu ku yidhi C/raxmaan Cirro, qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebook.

Geesta kale waraysigaasi uu siiyay Horn Cable TV oo ahaa mid aad u dheer, isla markaana dhinacyo badan taanayana ayuu kaga hadlay arrimo kala duwan.
Kuwaasoo ay ka mid ahayd qorshihiisa sidii uu ugu guulaysan lahaa kursiga madacweynenimadda Somaliland, arragtidiisa xeerka doorashooyinka oo ay dhawaan goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladu ansixiyeen.
Gaar ahaana qaadacaadii xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee intii ay socotay doodda xeerkaasi iyo arrimo kale.
Daawo: Waraysiga C/raxmaan Cirro:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here