Shirweynihii 8aad Ee Dalada Ururada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO oo La Shaaciyay Qabashadiisa

0
1638
Dalladda Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO

Hargeysa, (HargeisaPress) —Golaha Sare ee Dalladda Ururrada Dhalinyarada Heer Qaran ee Somaliland ee SONYO oo ah Golihii Toddobaad ee Dalladdaa soo mara, ayaa shirkoodii u dambeeyey ee Kal-fadhiga lixaad ee Golahaas Arabacadii maanta yeeshay, isla markaana ku go’aamiyey qabashada Shirweynaha 8-aad ee Dalladdaas oo qabsoomaya 27-ka bishan December 2016-ka.

Haddaba, Shirka ugu dambeeyey Kal-fadhiga lixaad ee Golaha Toddobaad ee SONYO oo ka qabsoomay Xarunta Dalladda ee magaalada Hargeysa, waxay gebogabadii ka soo saareen War-Murtiyeed, ay faahfaahiyeen Guddoomiyaha Dalladdaas Siyaad Cumar Cabdi iyo Yaasiin Calase oo ka tirsan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO.

Yaasiin Calase oo sharraxaya waxyaabaha shirkaas lagaga wadahadlay iyo qaabka shirweynaha Dalladdu u qabsoomi doono, waxa uu yidhi; “Annaga oo ah Golaha toddobaad ee Dalladda Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO, waxaa maanta noo soo gebogaboobay Kalfadhigga lixaad ee saddexdii biloodba mar uu Golaha sare ku kulmo. Waxa uu kalfadhigani noogaga duwanaa kuwii hore waxa uu ahaa kii aannu ku diyaarinaynay golihii na beddeli lahaa annaga oo Shirweynihii lagu qabanqaabinayey. Waa xilli xasaasi ah haddii doorasho iyo Shirweyne la galayo waxa dhici jirtay in Golaha kolba sii wareejinaya uu Shirku olole iyo culays ku keeni jiray. Allaah mahaddii, maanta golahayagan wax waliba waxay u socdaan si fiican oo deggan.”

“Waxaannu diyaar u nahay Golahayaga sare sidii uu Guddoomiyuhuba ballan-qaaday in doorasho xor iyo xalaal ahi ay dhex-marto labada Musharrax, taasoo ay ku kala tartamayaan Xubnaha Dalladda gudahooda, laakiin-se aanay noqon doonin sidii tii doorkii hore nagu dhacday, waayo? Annagu waxaannu nahay Golihii la kawsaday khilaaf laba Garab ah, waxa guusha ugu weyn ee aanu gaadhanayna tahay inaannaan khilaafkii ku celin Golaha laba sano ka dib. Waxaannu Shirka soo istaagi doonnaa annaga oo midaysan oo mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Yaasiin Calase

Sidoo kale, Guddoomiyaha Dalladda SONYO ee Siyaas Cumar Cali oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Dhammaan qodobbadii aannu ugu talo-galnay inaannu shirkan kaga wadahadalno si fiican baan u gorfaynay, waan isla-qaadaa-dhignay, go’aannadoodiina waan weelaynay, taasi waa ahmiyadda aannu shirkayagan oo ah kii lixaad ee noogu dambeeyey aan u qabannay.”

“Farriinta aan halkan ka soo jeedinayo ee dadweynaha ugu baaqayaa waxay tahay inaan muujinno inaan ka kornay, haddii laba sano hortood saacaddaa aan jooqno Buuq iyo is-haysi iyo olole dhegaha dadku maqli jireen, maanta Annaga oo gacmaha is-haysanna si qurux badan oo sharaf leh ay Wiilasha iyo iyo Gabdhuhu u tartamaan. Anigoo  Guddoomiyahoodii ahna aan u ballan-qaaday inaan dhex u ahaado Gabdhaha iyo Wiilasha hanka leh ee Mansabka Guddoomiyaha SONYO u tartamaya, niyad-samaanta iyo isku kalsoonaantana waxaa keenta marka Qofka Guddoomiyahooda ahi uu dhex u ahaado dadka tartamaya, taasna waxay noo keentay maanta bislaanshiiyo, calool-fayoobi iyo innagoo gacmaha is-haysanna inuu Shirku noo qabsoomo.” Sidaa ayuu yidhi Siyaad.

Waxa uu Guddoomiyaha Dalladdda Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo la hadlayey Xubnaha Dalladda ka tirsan ee gobollada iyo degmooyinka dalka, uu yidhi; “Dhammaan Xubnaha gobollada iyo degmooyinka ku sugan ee ka midka ah Dalladda Ururrada Dhalinyarada heer Qaran ee Somaliland ee SONYO, iyagana sidii ay Guddiga qaban-qaabadu warbixinta ku soo siiyeen inay soo gudbiyaan wakhtigii loo qabtay Magacyada xubnaha uga qaybgalaya Shirweynaha iyo wixii kale ee laga codsaday ee ay ka midka yihiin Qodobbo Dastuuri ah oo markasta la maro inay wakhtiga loo qabtay ee 18-ka bishan oo muujinaysa ka mid ahaanshohooda.”

Guddoomiyaha SONYO waxa uu farriin u diray qaybaha bulshada iyo Siyaasiyiinta Somaliland iyo Xisbiyadeeda hoggaamiya, waxaanu yidhi; “Waxa kale oo farxad noo ah, doorkan ma dhici doonto Ururro la isku haysto iyo cid dibedda kala istaagta oo waan ka kornay. Doorkan wuu ku badnaa is-qabsigu Somaliland, Asxaabta laftoodu inta badan way is-qabsataa. SONYO wakhtiii nala doortay maalin dhaafin mayno doorashadeeda, labadii sano ee nala doortay maalin dhaafin mayno, taasina waa farriin aan u dirayno Siyaasiyiinta Somaliland.”

“Ta labaad laba sano horteed annagoo laba u kala jabnay oo Somaliland oo dhami nagu dawakhday waad arkaysaan laba sano ka dib sidaan uga kornay ee gacmaha isu haysanno. Markaa, qaabkaa aan u kornay inay asxaabtuna u koraan baan rabnaa, Axsaabtu waa Asxaabtayadii lexejeclo badan baan ka qabnaa, waa halka markaannu hawlahan ka gudubno u gudbi doonno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Dalladda SONYO Siyaad Cumar Cali

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here