Shirkii Urur Gobolleedka IGAD Ee Abaaraha oo La Soo Gabagabeeyay

0
499

Nairobi (Hargeisa Press)- Dalalka Geeska Afrika ayaa dadaal ug jira sidii loola tacaali lahaa mushkiladda abaaraha ku soo noqnoqda gobolka, oo hadda laga cabsi qabo inay saameeyaan ilaa iyo 15 milyan oo qof.

Dadkaaas ayaa ku nool, Somalia, Kenya iyo Ethiopia, waxaana la isku dayayaa sidii loo xoojin lahaa awoodda ay dadkaas u leeyihiin u adkeysiga aafooyinka.

Shir muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Nairobi oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaasi oo lagaga  hadlayey ka hortagista abaaraha, ayaa maanta halkaasi lagu soo  gabagabeeyay.

Shirkaan ayaa qodobadda laga soo saaray waxaa ka mid ah in la xoojiyo taageerada la siiyo dalal ay ka mid tahay Soomaaliya si loo sare loogu qaado adeegyadda lagaga hortagi karo Abaaraha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here