Somaliland: Komishanka Xakamaynta AIDs-ka Oo Kulan La Yeeshay Warbaahinta

0
830

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed  Muuse Diiriye, ayaa ka qayb galay kulan ay Komishanka ka hortaga iyo Xakamaynta Qaranka ee HIV/AIDS la yeesheen qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.

Kulankaasi oo  lagu qabtay magaaladda Hargaysa,  oo uu soo qaban qaabiyay Komishanka Xakamaynta xanuunka HIV iyo AIDs ee heer qaran, kaasoo lagaga wadahadlay doorka warbaahinta ee wacyigelinta xanuunka  HIV/AIDs.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed  Muuse Diiriye,  guddoomiyaha ururka  suxufiyiinta Somaliland  ee SOLJA  Maxamuud  Cabdi  Jaamac (Xuuto), iyo  agaasimaha komishanka ka hortaga iyo  xakamaynta  HIV/AIDs  Cabdishakuur Ismaaciil Cumar.

Waxa kaloo kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiinta qaybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka iyo warbaahinta  madaxa banaan ee ka hawl gala dalka.

Maxamed Muuse Diiriye, wasiirka warfaafinta Somaliland oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa kula dar-daarmay hay’adaha warbaahinta in ay baahiyaan ama daabacaan barnaamijyo ummada lagu wacyigelinayo gaar ahaana ku saabsan halista xanuunka AIDs-ka iyo sidii looga digtoonaan lahaa fiditaankiisa.

Waxaanu yidhi “Caruurteenii wax wacyigelina oo ay haystaan ma jirto.  Innanka Aabihii caytamayo,   muxuu isagu-na la soo toosi?  Waynu garanaynaa. Xanuunadda la kala qaadaa way fududahay sida la isugu gudbiyo. Qaar baa dabaysha lagu kala qaadaa.

Xanuunadda u baahan in laga cararro qofka qaba waa kuwaa,  waana lala noolaan karaa qofka xanuunka HIV/AIDs. Daawooyin ayaana la siiyaa imika”.

Agaasimaha komishanka xakamaynta AIDs-ka  Cabdishakuur Ismaaciil Muumin, ayaa isna sheegay in kulankani  uu hordhac u yahay kulamo ay la yeelan doonaan hay’adaha ay  bah-wadaagta yihiin.

“Kulankani waxa uu hordhac u yahay,  kulamo badan oo aanu la yeelan doono inta aanu bah-wadaagta  nahay. Waxaanu komishan ahaan idiin balan qaadaynaa in aanu idinka caawino in aad cilmi u yeelataan  wixii aqoona ee caafimaadka  ku saabsan,  ee kelmadaha la adeegsanayo.

Kulamo intan ka bada-na,  waan isugu iman doonaa, si ay u fudutaato in warka ummada gaadhayaa ay u noqdaan mid tifaftiran” ayuu yidhi agaasimaha komishanka la dagaalanka HIV/AIDs.

Geesta kale guddoomiyaha ururka  suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Maxamuud Cabdi  Jaamac (Xuuto),  oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay warbaahintu doorkeeda ka qaadato wacyigelinta xanuunka  HIV /AIDs.

Waxaanu yidhi “Runtii  bahda saxaafada Somaliland waxay ku faanayaan in aanay hal kiis oo ka dhan ah,  oo dhibaato ku ah dadka la nool xanuunka HIV/AIDs, in aanay  warbaahinta  Somaliland u baahin. Door kooda-na waxay ka qaateen saxaafada Somaliland wacyigelinta xanuunkaasi”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here