Shirkadda Telesom oo Lacag Ugu Deeqday Khasaaraha Dabkii Suuqa Jigjiga

0
1328

Jigjiga (Hargeisa Press)- Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom Group, ayaa waxaa ay deeq lacag ah gaadhsiisay ganacsatadii hantidooda ku waayay dabkii baabiiyay suuqii ganacsiga Taywaan ee magaalada Jigjiga.

Wefti ay hoggaaminayaan boodhka sare ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Group oo ka koobnaa Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddida Dib u dhiska Suuqa Waaheen ee Hargeysa, ayaa booqday magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan suuqii Taywan ee uu ka dhacay musiibada dabku.

Ujeeddada weftiga, ayaa ahayd in lagu wareejiyo qaadhan dhan 30 milyan bir oo ay ku deeqday Shirkadda Telesom Group iyo in lala wadaago waayo-aragnimadii iyo hannaankii lagu maamulay dib u dhiska iyo ka soo kabashadii khasaarihii Waaheen.

Shirkadda Telesom, ayaa sheegtay in iyada oo la dareen ah shacab-weynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, in ay bilaash ka dhigtay khidmadda lacag-dirista ee shirkadaha TAAJ iyo PAYSII iyada oo lacagaha lagu soo diri karo Daarasalaam Bank iyo KAAFI Micro-finance ee magaalada Jigjiga.

Si kastaba, Shirkadda Telesom Group, ayaa waxaa ay ka mid tahay shirkadaha waa weyn ee safka hore kaga jira garab istaagga bulshada mar kasta oo ay dhibaato dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here