Mashruuca Horumarinta iyo Tayaynta Calafka Xoolaha oo Laga Daah-furay Magaaladda Hargeysa

0
555

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland, ayaa maanta daah-furay mashruuca horumarinta iyo tayaynta calafka xoolaha ee SIRA wajigiisii labaad (SIRA PROJECT PHASE II).

Mashruuca horumarinta iyo tayaynta calafka xoolaha ee loo soo gaabiyo SIRA, ayaa saddexdii sanadood ee u danbeeyay ka socday shan iyo labaatan tuullo oo hoos yimaadda ama ka tirsan gobolka Awdal.

Degmooyinka uu mashruucaasi ka socday waxaa ka mid ahaa degmadda Baki iyo Borama, iyadoo na mudadaasi saddexda sano ah uu mashruucu socday.

Sidoo kale mashruucani ayaa lagu sii baladhiyay degmada Gabiley, kaasoo ka socon doona saddexda sanadood ee soo socda.

Mashruucan horumarinta iyo tayaynta calafka xoolaha waxaa iska kaashanaya haayada FAO iyo wasaaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo hadal ka jeediyay furitaanka mashruucaasi ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid faa’iido weyn u leh dalka, gaar ahaana xoolaha.

Waxaanu tilmaamay in ay muhiim tahay in la horumariyo xoolaha nool, maadaama oo laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland uu ku tiirsan yahay xoolaha nool, sidaas darteed na mashruucani uu qayb ka yahay qorsheyaasha ay xukuumadu doonayso in ay ku horumariso xoolaha.

Furitaanka mashruucaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaaradda Xanaannada xoolaha iyo horumarinta kallumaysiga JSL Dr. AXMED Cali Maax, Agaasimaha waaxda wax-soo-saarka Dr. Mawliid Cismaan Xirsi, iyo agaasimaha waaxda qorshaynta Dr. Farxaan Axmed Yuusuf.

Sidoo kale waxaa daah-furka mashruucaasi ka soo qayb galay madaxda ka socday haayadda FAO iyo masuuliyiin ka tirsan maalgaliyayaasha mashruucani.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here