Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Kala Hadashay Wadahallada Somaliland

0
2588

Muqdisho (Hargeisa Press)- Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta kulan la qaadatay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada Somaliland Cabdikariin Xusseen Guuleed.

Kulankan Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Wadahadallada Somaliland, ayaa waxaa diiradda lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii guulo la taaban karo looga gaadhi lahaa.

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Wadahadallada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay Catriona Laing uga warbixiyay dedaalada Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac ku wadahadlaan, waxaana uu caddeeyay in Soomaaliya ka go’antahay hirgelinta waxkasta oo muhiim ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa dhankeeda soo dhawaysay dedaalada Soomaaliya, waxaana ay muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Qaramada Midobey diyaar u tahay ka qayb qaadashada ka gun-gaadhista wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxaa uu hakad ku jiray in muddo ah, iyadoona xal waara laga gaadhin waxyaabaha ku saabsan wadahadalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo muddo hore ka hadlayay dib u bilowga wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxaa uu shuruud ku xidhay dib u bilowga wadahadalada, isagoona sheegay inay lagama maarmaan tahay helitaanka ajende cad oo wadahadaladu yeeshaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here