Shirkadda Telesom oo Ku Guuleysatay Shahaadada-Caalamiga Ah Ee ISO 27001 Certified

0
1295

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Cabdikarim Maxamed Iid, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay Shirkaddu ku guulaysatay Qaadashada shahaadada Caalamiga ah ee ISO 27001 oo la xidhiidha Nidaamka Maareynta iyo Sugidda Amniga Macluumaadka ee dhinacyada Isgaadhsiinta iyo Maaliyadda.

Shirkadda Telesom, ayaa noqonaysa shirkaddii ugu horeysay shirkadaha isgaadhsiinta, Maaliyadda iyo Teknoolajiyadda ee ka jira Somaliland ee si rasmi ah u shaacisay inay ku guulaysatay Shahaadada ISO 27001, taas oo ka dhigan in shirkadda loo aqoonsaday inay buuxisay shuruudaha caalamiga ah ee Nidaamka Maareynta Amniga Macluumaadka (Information Security Management System).

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, ayaa sidan ku sheegay khudbad uu kaga warramay marxaladihii ay shikraddu soo martay oo uu maanta ka jeediyey Shirweynaha Tiknoolajiyadda ee Somaliland oo maanta ka furmay Hargeysa.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa shirkadda Telesom ku hambalyeeyay inay ku guulaysato Shahaadada ISO 27001 (ISO 27001 Certified). Wasiirku waxa kale oo uu Telesom ku boogaadiyay kaalinta tiknoolajiyadeed ee ay dalka kaga jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here