Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda

0
1945

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kulan deg deg ah la qaatay Madaxda Ururradda Siyaasadda ee u tartamaya Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka.

Kulankan Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay Madaxda Ururradda Siyaasadda oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa ku wehelinayay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye.

Ujeeddada kulankan, ayaa daarnayd sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka, Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay ku soo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sanno ee soo socda.

Qoraalka, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka laga wadahadlay sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinka la qorshaynayo inay dalka ka qabsoomaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu shalay kulan ugu baaqay Labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, kaddib markii uu digreeto ku soo saaray xilliga la qabanayo doorashooyinka.

Hase yeeshee, Labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa iyagu diiday in ay tagaan kulanka uu Madaxweyne Biixi, ugu yeedhay oo Doorashada lagaga hadli lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here