Shirka Wada-tashiga Beesha Ciise oo Ka Furmay Magaalada Ayshaca

0
1191

Ayshaca (Hargeisa Press) – Shirka koowaad ee wada-tashiga danta beel-weynta Ciise, ayaa waxaa uu ka furmay magaalada taariikhiga ee Ayshaca.

Waxaana ka soo qeyb-galay masuuliyiin uu ugu horreeyo madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha, Dr. Xuseen Qaasin, wufuud kala duwan oo ka kala socota wadammada dariska sida Somalilland, jamuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa sheegay in isku-tashigan uu yahay mid xoojinaya midnimada beesha iyo beelaha kale ee Soomaalida.

Waxaanu intaasi ku daray in ay la soo bixi doonaan go’aammo dhaxalgal ah oo ka turjumaya adkaynta qiyamka wada-noolaansho ee beesha iyo beelaha kale ee Soomaalida.

Shirkan oo socon doona 1-da illaa iyo 7-da bishan August, ayaa waxaa sida oo kale ka soo qeyb-galay ergooyin kor u dhaafsan 9 boqol oo  qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here