Shirka Ururka Maayarrada Dalalka Islaamka Oo Jabuuti Ka Furmay

0
926

Jabuuti (Hargeisa Press.com): Jamhuuriyadda Jabuuti waxay maanta marti gelisay shirka 32-ka maayar ee dalalka islaamka oo duqa magaaladda Jabuuti Faadumo Cawaale Cusmaan, loogu doortay guddoomiyaha ururka maayaradda dalalka islaamka ah.

Shirkaasi waxa furay raysal wasaaraha Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed, waxaanu shirkaasi socon doonaa muddo laba maalmood ah. Waxaana shirkan ka qayb gelaya ilaa 30 maayer oo ka kala socda caasimadda dalalka islaamka.

Xoghayaha guud ee maayaradda  magaalooyinka dawladaha islaamka ah, waxaa sii ahaan doona Cumar Cabdalla oo u dhashay dalka boqortooyadda Sucuudi Carabiya.

Maayarka  magaaladda Jabuuti  Faadumo Cawaale Cusmaan, oo ah gabadhii u horaysay ee Jabuuti maayar ka noqota ayaa loo doortay guddoomiyaha ururka maayaradda caasimadaha dalalka islaamka. Iyadoo xilkaasi hayn doonta muddo laba sanadood ah.

Faadumo Cawaale Cusmaan, ayaa dareenkeedda ka hadashay kadib markii loo doortay guddoomiyaha ururka maayaradda caasimadaha dalalka islaamka iyo sidoo kale maayaradda shirka ka qayb gelaya iyo wadamadda ay ka kala socdaan.

Waxaanay tidhi “Aad baan maanta u farax sanahay, haddii aan ahay maayarka Jabuuti, farxadayda lama soo koobi karro. Markaa maanta aad iyo aad ayay guul noogu tahay.

Shirkan waxaa isugu yimid golihii maamuleed ee ugu sareeyay. Ururkan waxaa xubno ka ah 57 wadan oo dalalka islaamka ah ka soo jeedda. Maanta waxaa fursad noo noqotay in aan shirkan marti gelino.

Anagoo  fursanadaas ka faa’iidaysanayna labadda sanadood ee aan xilka haynayno, mashaariic badan ayaanu hirgelin doonaa haddii ALLE ina gaadhsiiyo. Mashaariicdaasi oo ku salaysnaanaya qurxinta caasimadda Jabuuti”.

Iyadoo hadalka sii wadatay na waxay tidhi “Maanta waxaa nala jooga maayaradii magaalooyinka wadamadda islaamka ah, waxaanan fursadan qaaliga ah siinaynaa maayarka magaaladda Baytul-qudus oo halkan nala jooga, oo aanu aad iyo aad u hambalyaynayno. Isagoo wadankiisa ay mushkilado ka jiraan caasimadda, laakiin hada na jeclaystay in uu shirkan ka soo qayb gallo.

Waxa kaloo nala jooga maayarrada magaalooyinka  Muqdisho, Hargaysa,  Diridhabe. Turkiga waxaa ka yimid maayarrada laba magaallo, Ankara iyo Koniya”.

Dhinaca kale maayarka Jabuuti waxay sheegtay in gebagebadda shirkaasi ay maayaradda ka socda dalka Turkiga kala saxeexan doonaan heshiis lagu mataanaynayo magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara.

“Shirkan kadib waxaanu kala saxeexan doonaa, mataanaynta labadda magaallo ee Ankara iyo Jabuuti. Shirkani labadda cisho ee uu socda waxaanu rejaynaynaa in uu si fiican u qabsoomi doono.

Waxa kaloonu halkan ku soo bandhignay carwo. Haddii ay tahay dhaqankeena, waxa kaloon soo bandhignay mashaariicda xafiiska maayarka Jabuuti uu  hirgelin doono shanta sanadood ee soo socda”ayay tidhi Faadumo Cawaale.

Waa markii u horaysay oo jamhuuriyadda Jabuuti ay marti geliso shirka 32aad ee maayaradda magaalooyinka caasimada u ah  wadamadda islaamka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here