Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shaqaalaysiiyay 954 Macalin Oo Muddo Mushahar La’aan Ku Shaqaynayay

0
709

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa si wada jira ugu dhawaaqay in la shaqaalaysiinayo 954 macalin oo muddo dheer mushahar la’aan ugu shaqaynayey umaddooda.

Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda waxbarashadu waxay sidan kaga dhawaaqeen kadib kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  iyo madaxweyne-ku-xigeenka  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  oo maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda ee Hargaysa.

Macallimiinta la shaqaalaysiiyey oo ka hawlgasha 1,081-ka Dugsi ee ay dawladdu leedahay ee ku yaalla guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la hawlgeliyey kaddib Kormeer ay sameeyeen 15-kooxood oo ka kala socda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo hay’adda shaqaalaha dawladdu.

Waxaanay  macallimiintaasi si rasmi ah uga mid noqon doonaan shaqaalaha rasmiga ah ee qaranka, kuwaas oo heli doona mushahar joogto ah.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Sharmaarke Axmed Muxumed,  oo kulanka ay la qaateen madaxweynaha kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa u bushaareeyey dhammaan ba macallimiintii mushahar la’aanta muddada kala duwan ugu soo shaqaysay qarankooda.

Kuwaasoo  shaqaale rasmi ah noqday.  Waxaanu  yidhi  “Saaka waa u bushaaro iyo barkhad guud ahaanba macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala sugnaa guud ahaan dugsiyada dalka in ku dhawaad kun qof.

Saaka  kulankii madaxweynaha  kaddib  wasaaradda waxbarashada iyo Hay’addaa shaqaaluhu ay shaqaalaysiinayaan”.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna sii hayaha xilka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska,  Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faro-toon) oo isna halkaas ka  hadlay ayaa  hoosta ka xarriiqay in hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda waxbarashadu  ay wakhti badan geliyeen hubinta iyo kala hufidda macallimiinta.

Natiijadii na ay noqotay shaqaalaysiinta macallimiinta muddada tabarruca kusoo shaqaynaysay. Wasiir Faratoon oo arrimahaasi ka hadlayay na  waxa  uu yidhi  “Saaka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka qaranku waxa ay shir weyn oo ujeeddadiisu tahay shaacinta natiijadii kasoo baxday kormeer ballaadhan oo  wasaaradda waxbarashada iyo hay’adda shaqaaluhu wada qaadeen oo ku saabsan sidii loo sugi lahaa arrimo badan oo la xidhiidha waxbarashada.

Gaar  ahaan macallimiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo duruufo kala duwan ku jira oo lasoo tiro koobay, waxana halkan loo joogaa in lagu dhawaaqo in Kun ku dhawi inay maanta noqoto  shaqaale rasmi ah”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here