“Shirarka noocan ahi waxay nuhiimad u leeyihiin in la helo xog sugan…”

0
569

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa dhawaan magaaladda Hargeysa lagu qabtay shirweynaha 15aad ee Cilmi Baadhista saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Shirkaasi oo socday muddo todobaad waxaa soo qaban qaabisay jaamacadda Admas, faraceedda magaaladda Hargaysa.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay khubarro, iyo cilmi baadheyaal ka akla socday wadamadda Geeska Afrika, agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale.

Sidoo kale, waxaa shirkaasi ka qayb qaatay intii uu socday madaxda iyo maamulka jaamacadda Admas, iyo aqoon yahano kale.

Intii uu shirkaasi socday, ayaa laga soo jeediyay dood cilmiyeedyo taabanaya mawduucyo kala duwan, oo ku saabsanaa saamaynta isbedelka cimiladda ka dhashay.

Taasoo ay ku soo badhigeen khubarro, iyo cilmi baadheyaal kala duwani mudadii uu shirku socday, kuwaasoo ka kala yimid dalalka gobolkan Geeska Afrika.

Waxaana shirkaasi lagaga doodaya ama uu ku saabsanaa laba mawduuc oo muhiim ah, kuwaasoo kala ahaa saamaynta uu isbedelka cimiladu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika, iyo Tayadda waxbarashadda sare.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku bogaadiyay jaamacadda Admas, dood cilmiyeedka noocan ah ee ay qabatay.

Waxaanu sheegay agaasimaha guud in shirkaasi uu muhiim gaar u leeyahay ka wasaarad ahaan, gaar ahaana qodobka khuseeya arrinta saamaynta isbedelka cimiladda.

Waxaanu yidhi “Sirkaasi oo lagaga hadlayay laba mawduuc oo muhiim ah, kuwaasoo kala ahaa, Ka koowaad saamaynta uu isbedelka cimiladu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika, iyo Tayadda waxbarashadda sare.

Ka wasaarad ahaan haddii aanu nahay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, iyadoo uu wasiirku nagu hogaaminayo, shirkan waanu ka qayb galnay, waanan ka qayb qaadanay doodihii, dareenkayaga na waanu ku soo bandhignay”.

“Mudadii uu shirku socday, waxaan aad iyo aad ugu bogaadinayaa jaamacadda Admas, in ay qabatay dood cilmiyeedkani. Waxaana laga soo jeediyay dood cilmiyeedyo taabanaya mawduucyo kala duwan, oo saamaynta isbedelka cimiladda ka hadlayay.

Iyadoo na khubarro, iyo cilmi baadheyaal kala duwani ay ku soo bandhigeen, oo ka socday dalalka gobolkan Geeska Afrika. Mudadii uu shirku socday waxaan aad iyo aad ugu bogaadinayaa jaamacadda Admas, oo soo qaban qaabisay.

Waxa kaloo aan boogaadinayaa sida hufan ee ay ka qayb galeyaashu doodaha shirkan uga qayb qaadanayeen”.

Geesta kale, Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa tilmaamay in shirarka noocan ahi ay nuhiimad gaar ah u leeyihiin xukuumadda, si gaar ahna wasaaradda Deegaanka.

Waxaanu sheegay in haddii la helo xog sugan inay inta badan fudaydisaa in go’aan sax ah la gaadho. Sidaas darteedna ay mar labaad jaamacadda Admas ku hanbalyaynayaan qabashada shirkani.

Isagoo arrimahaa ka hadlayay na waxa uu yidhi “Shirarka noocan ahi waxay nuhiimad gaar ah u leeyihiin, haddii aanu nahay haayadaha dawladda ee dejiya siyaasadaha qaranka, waxaanu mar kasta dhiiri gelinaynaa in aanu helno cilmi baadhisyo, ama xog ku qotonta wax la hubo. Haddii la helo xog sugan, waxay inta badan fudaydisaa in go’aan sax ah la gaadho.

Anagoo taa ka duulayna waxaanu mar labaad, iyo mar saddexaad ba u mahad naqaynaa, oo ku boogaadinaynaa jaamacadda Admas, shaqadan wanaagsan ee ay qabatay”.

Waxaanu intaas raaciyay “Wixii macluumaad ah, ama xog ah ee ka soo baxay shirkani, waanu soo dhawaynaynaa.

Waxaanan rejaynaynaa, kuna dhiiri gelinaynaa in jaamacadaha kale na sida Admas, oo kale in ay dooddo cilmi baadhiseed oo noocan oo kale ah ay qabtaan” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL.

DAAWO: Hadalkii Agaasimaha Guud:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here