Madaxweyne Biixi oo Martiqaad U Fidiyay Axsaabta Mucaaradka

0
2938

Hargeysa (Hargiasa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu martiqaad u fidiyay saddexda xisbi qaran, kaddib markii uu digreeto ku soo saaray xilliga la qabanayo doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay qasriga Madaxtiiyadda oo aan si furan loogu shaacin warbaahinta. Balse ay  Shabakada HargeisaPress heshay nuqul ka mid ah, ayaa lagu muujiyay martiqaadka oo maalinta Arbacada ee beri oo ku beegan 9 August 2023

qoraalka, ayaa lagu socodsiiyay  Guddoomiyeyaasha labada Xisbi ee Mucaaradka WADDANI iyo UCID iyo dhigooda Xisbiga muxaafadka ee KULMIYE.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa waxaa uu shalay wareegto madaxweyne ku cayimay taariikhda doorashooyinka Somaliland.

Waxaana tan xibsiyadu dhacaysaa 28-ka bisha December ee sannadkan, halka tan madaxtinnimada ay dhici doonto 13-ka November ee sannadka dambe.

Dhinaca kale, Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta fadhi yeeshay ayay xildhibaanada golaha qaarkood soo jeediyeen in goluhu gudo-galo xeerarka doorashooyinka ee qabyo tirka u baahan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here