Shil Gaadhi oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

0
1769

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ugu yaraan inta la xaqiijiyay hal qof, ayaa ku dhintay halka todoba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay Buur wadada hareeraheeda ku teedsani soo duntay, duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa.

Buutan, ayaa la sheegay in soo duntay xili ay is dhaafayeen Baabuur Bas ah oo rakaab siday iyo Baabuur nooca kuwa Xamuulka qaada ah.

Waxaana lagu soo waramayaa in shilkan uu ku dhintay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Jimcaale Cumar.

Sidoo kale, Dadkii ku dhaawacmay shilkan, ayaa loo soo qaaday cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, iyadoo xaaladooda caafimaad ay la tacaalayaan dhakhaatiirtu.

Sikastaba, iyadoo ay shilalka baabuurtu Somaliland ka dhacaan, ayaa hadana waxaa ku ugub ah shilkan noocan ah oo ee ay sababta u ahayd buurtaasi soo duntay.

Shilalka gaadiidka ee Somaliland ka dhaca, ayaa la sheegay in Sababaha ugu badan ee keena ay yihiin telifoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan .

Waxaana ugu badan ee keena shilalka waa gaadiidka yar-yar iyo gaadiidka waaweyn ee gobollada isaga goosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here