Ismaaciil Xaaji Nuur Oo Markii Saddexaad Loo Doortay Maayarka Ceerigaabo

0
1207

Ceerigaabo (HP): Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa markii saddexaad loo doortay inuu shanta sanadood ee soo socda hogaamiyo golahha deegaanka magaaladda Ceerigaabo.
Kadib markii ay fadhhigoodii u horeeyay maanta yeesheen golaha deegaanka cusub ee degmadda Ceerigaabo.
Waxaanay isla fadhigii maanta ku doortteen maayarka iyo maayar ku-xigeenka magaaladda Ceerigaabo.
Iyadoona kal-fadhigaasi maayarka loogu doortay Ismaaciil Xaaji Nuur, oo muddo dheer xilkaasi soo hayay.


Maayar ku-xigeenkana loo doortay C/raxmaan Gaadhi Jiidh, oo ka mid ahaa xubnaha cusub ee golaha deegaanka Ceerigaabo.
Maayarka iyo ku-xigeenkiisa cusub ee maanta la doortay ayaa u mahad celiyay dadweynihii u codeeeyay ama soo doortay.
Waxaanay balan qaadeen in ay rejaynayaan in ay horumar iyo waxqabad muuqda ka hirgelin doonaan magaaladda Ceerigaabo mudadda ay xilka hayaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here