Shiidaal La’aanka Ka Taagan Magaaladda Jig-jiga

0
850

Jig-jiga (Hargeisa Press.com): Shiidaal la’aan ayaa maalmahan ka taagan magaaladda Jig-jiga ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, taasoo keentay gaadiid aad u tiro badan la iska dhigo oo aanay wax shaqo ah qaban.

Shiidaal la’aantani ay hakad gelisay isu socodkii magaaladda, iyadoo gaadiidka yar yar ee ay dadweynuhu isticmaalaan ay joojiyeen shaqooyinkii ay hayeen.

Qaar ka mida derawaladda gaadiidka loo yaqaano Bajaajta oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay shiidaal la’aanta soo food saartay mid ay ka masuul yihiin mulkiileyaasha Kaalmaha shiidaalka iibiya.

Kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay joojiyaan iibinta shiidaal, iyadoo uu shiidaalku haamaha kaydka ku jiro.

Hase yeeshee waxaa eedahaas beeniyay agaasimaha fulinta nidaamka ganacsiga ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here