Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir: Waa Wax Laga Naxo Sida Loola Dhaqmay Duuliye Fu’aad

0
2156

Djibouti (Hargeisa Press) – Sheekh Cabdiraxmaan bashiir oo ka mid culumada reer Jabuuti ayaa ku eedeeyey dowladda Jabuuti sida arxan darrada ah ee ay ula dhaqantay duuliye Fu’aad Yusuf Cali oo ku xidhan xabsi ku yaala magaalada Jabuuti.

Sheekh Cabdiraxamaan Bashiir oo ayaa sheegay in ay wadaan abaabul xoogan oo ay ku doonayaan in ku cadaadiyaan dowladda Jabuuti sidii xoreyadiisa u siin lahayd Duuliye Fu’aad Yusuf Cali.

“Duuliye Fu’aad ayaa dhibaato la xidhiidha mushaar la’aan muddo sannad ah iyo caddaadis madaxda Ciidan Cirka Jabuuti darteed uga tagay dalka Jabuuti, wuxuuna magan-galiyo weydiistay dalka Itoobiya. Wuxuuna Duuliye Fu’aad duubay video uu kaga sheekeynayo dhibaatada ka jirta dalka Jabuuti” ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir.

“Dowladda Itoobiya oo xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyo dalka Jabuuti ayaa dib ugu soo celisay Duuliye Fu’aad dalka Jabuuti. Sid ka muuqata Videoga uu iska soo duubay, waxaa ka muuqda jidh-dil xoogan” Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxamaan Bashiir.

Kama filaneyn ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxamaan Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo la siiyey abaal-marinta ugu sareeysa ee Nobel Peace in uu dib ugu celiyo duuliye Fu’aad isaga oo waliba og dhibaatada ay kula kici-doonaa dowladda Jabuuti.

Sheekh Cabdiraxamaan Bashiir iyo Jaaliyadda reer Jabuuti ee magaalada Ottawa ayaa wada abaabul xoogan oo ay ku doonayaan in si deg-deg wax looga qabto xaaladda murugsan ee uu ku sugan yahay Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali.  Waxay isla abaabuleen qodobada soo socda:

1). In la diyaariyo bannaanbaxyo dhammaan magaalooyinka ay ku nool yihiin Soomaalida gaar ahaan magaalada Washington oo ku taalo safaaradda Jabuuti.

2). In dhibaatada Fu’aad Yuusuf Cali lala wadaago xildhibaanada dalalka taageera dowladda Jabuuti gaar ahaan dalka Mareykanka oo Saldhig Milatari ku leh dalka Jabuuti.

3). In dacwad ka dhan ah dowladda Jabuuti loo gudbiyo hay’adaha u dooda xuquuqul aadamaha. Si gaar ahna farta loogu fiiqo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed.

4). In kaalmo dhaqaale oo joogta ah la siiyo qoyska Fu’aad Yuusf Cali.

Wararka sidoo kale ka immanaya dalka Jabuuti ayaa sheegay in Deeqa Ciise Duhur oo ka tirsan ciidan ilaalada madaxtooyada iyo Mustafa Aadan Shire oo hore uga tirsanaa ciidanka Jabuuti ee ka howl gala gobolka Hiiraan ay shaqadoodii iska casileen arrinta la xidhiidha Fu’aad Yusuf Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here