Madaxweyne Farmaajo: Waan Soo Dhaweynayaa In Madaxweyne Muuse Iga Aqbalo In Dib Loo Billaabo Wadahadallada

0
2939

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay fadhiga 7aad ee Barlamanka Soomaaliya, ayaa soo hadal qaaday wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaan in muddo ah qabsoomin oo hakad ku jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sheegay inuu soo dhaweynayo in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladaasi.

Farmaajo ayaa sheegay in Wax kasta oo jirana ay ku dhameeyaan walaaltinnimo, wadahadal iyo is afgarad.

Farmaajo iyo Muusi Biixi ayaa ku kulmay dalka Itoobiya bishii February, mana cadda waxa ay ka wada hadleen. Waxaan kulankaasi martigelisay dowladda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here