Sheekh Aadan-Siiro Oo Xukuumadda Ku Canaantay Soo Noqnoqoshada Colaadda Ceel Af-weyn

0
1483
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro)

Hargeysa (HargeisaPress) — Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa mar kale Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Colaadda soo noqnoqotay ee ka taagan Tuulada Dararweyne ee Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Sheekh Aadan-Siiro oo Maanta Khudbaddii Jimcaha kaga hadlay Dambiga uu leeyahay Qofka si u kas ah u dila Qof kale oo Muslim ah, ayaa si faahfaahsan uga hadlay Dagaalka Ceel Af-weyn dhowrka jeer ku dhex maray labada Beelood ee Walaalaha ah, isagoo xusay in Xukuumaddu wax ka qabashadiisa ka gaabisay.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Maanta ka socda Ceel Af-weyn waa u kas, ILAAHAYNA wuxuu yidhi Qofka u kas u dila Qof, ILAAHAY-baa u cadhooday oo Raxmaddiisa ka fogeeyay, Abaal-marintiisuna waa Jahanaba waanu ku waarayaa. Maanta maxaa Ceel Af-weyn la iskugu dilayaa.?

Wadaaddadii way ka gaabiyeen, Xukuumaddii way ka gaabisay, inta Caqliga iyo Cilmiga lihi way ka gaabiyeen. Waa Dadkeenii oo waynu garanaynaa, waalla garanayaa ka Fidmada wada, waalla garanayaa Tobanka Fidmada wada, maxaynu Dawladda u samaysanay, maxaynu u samaysanay Miisaaniyadda la leeyahay waa 360 Milyan, maxaynu u samaysannay Ciidammada Lixdanka Kun ka badan, waa ayo Cidda ay Ciidammadeennu innaga ilaalinayaan ee ay Xuduudaha u joogaan.? Ma waxaynu aqbalnaa, ma waxaynu dhegaysanaa, ma wax la yeeli karaa Laba jilib oo yaryar oo ka mid ah Dadkeena (ayaa la heshiisiin kari la’yahay).

Waxa Sirdoon jira, waxa C.I.D jirta, maxaynu jeelasha u samaysannay, miyey kun noqdaan, miyey laba Kun noqdaan ? Dadkii khuburadaha ahaa ee ugu badnaa Ciidammadii Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya way joogaan, ma waxaynu ogaan kari la’nahay 10, 20 ama 30 wadda Dagaalka soo noqnoqday 7-da jeer, si aynu uga qaadanno Go’aan wada jir ah, waxaanu leenahay Xukuumaddaa ka gaabisay.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here