Sheekada Maanta: Jamaal Cali Xuseen oo soo Saaray Qoraal is-fasiraya oo Khuseeya Sida loo Lunsado Xoolaha Ummadda

0
1636
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) —Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah khubarada aqoonta u leh cilmiga dhaqaalaha iyo maamulka Bangiyada, kana tirsan xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa soo saaray sheeko si iskeed ah isku fasiraysa oo ka hadlay qaabka  madaxda ama masuuliyiinta xilalka qaranka haya ay u xadaan xoolaha ummadda.

Sheekadan oo uu Jamaal Cali Xuseen ku faafiyey facebook-giisa oo wargeyska Jamhuuriya ka soo xigtay Maanta, waxa ay u qornayd sidan; “Niman tuug ah ayaa beri hore dhacay Bangi. Lacagtii ay qaateen badnaanteedii ayey tirin kari waayeen oo ay haleeli waayeen. Mid ka mid ah tuugta ayaa yidhi; “waar innaga kaxeeya meesha, idaacadda ama warbaahintaba waynu ka maqli doonaaye.” Kolkii ay u carraabeen ardaagii ama gurigii ay ku dhuumanayeen ayuunbay mar qudha maqleen Raadiyowgii oo leh; “Bankigii weynaa ee hebel waxa laga dhacay lacag dham $20 milyan oo doollar.”  Nimankii tuugta ahaa ayaa iyagoo yaaban xaddigan la sheegay inay dhaceen, waxay ku dhaqaaqeen inay tiriyaan lacagta ay soo dhaceen. Tiradii ka dib, waxa ay nimankii tuugta ahaa ogaadeen lacagta rasmiga ah ee ay qaateen inay tahay $10 milyan oo doollar oo qudha. Ilayn shaw madaxdii ugu sareysay ee masuulka ka ahayd Baankii la dhacay ayaaba u heshiiyey, una dhex raaciyey $10 milyan oo kale oo dheeraad ah oo ay hoos u qaateen, kana dhigeen inay tuugtii hore dhacday lacagta dhan $20-ka milyan ee doollar ee laga sheegay idaacadaha iyo dhammaanba warbaahinta kale.

Haddaba, tuugtii hore ee Baanka dhacay oo ka cadheysan in wax aanay qaadan lagu masabiday oo tuugtan kale ee ay horkacayaan nimanka haysta Bangigu ay bilaash iyo hawl yari wax ku dhacayaan, halka tuugtii hore ay rafaad u mareen Bangigii ay dhacayeen. Kolkaa tuugtii hore ee Baanka soo xaday, ayaa telefoon kula soo xidhiidhay warbaahinta si sir ah, iyagoo qiranaya in iyagu ay $10 milyan oo doollar oo qudha, balse ay madaxdii Baankuna ay u dhex raaciyeen $10-ka milyan ee kale. Mar qudha ayaa warbaahintii ku soo jeedsanaysaa madaxdii Baanka oo ay kashifmayaan. Kolkaas ayey Madaxdii Baanka la dhacay iyagoo yaaban mar kale ay si habac-habac ah u dafirayaan warkoodii hore ee ay ku sheegeen in Baanka laga dhacay $20 milyan oo doollar. “Khalad ayaa laga fahmay warkaygii hore ee waxa qudha ee maqan ee la dhacay waa $10 milyan, askarigii warka naga qorayey ayaa khaldaye raalli ahaada!” Bal Adba!

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here