Sarkaal U Shaqaynayey Hay’adda NRC Xafiiskeeda Somaliland oo Ku Geeriyooday Weerarkii Hutelka Muqdisho

0
3150
Muuse Cabdi Axmed
Muuse Cabdi Axmed

Muqdisho (Hargeisa Press) — Muuse Cabdi Axmed oo ahaa Sarkaalka Hay’adda NRC Xafiiskeeda Somaliland u shaqaynayey ayaa ku geeriyooday weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, Sida Warbaahinta Hargeisapress loo xaqiijiyay.

Muuse Cabdi Axmed, ayaa waxa la sheegay in uu maalintii Sabtida ee todobadkan tegay Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu u tegay howlo shaqo oo shaqada hay’adda ah.

Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa la sheegay in uu degennaa Hudheelka, kuna sugnaa xilliga weerarku bilaabmay Qolka uu ku jiray, isla markaana kamid ahaa dadkii ku xanibmay qaybta dhexe ee Hudheelka oo ay galeen Kooxda weerarka geysatay.

Geesta kale, Marxuumka ayaa hadda ahaa xidhiidhiyaha Maaliyadda ee Hay’adda NRC Xafiiskeeda Somaliland.

Hay’adda NRC Xafiiskeeda guud ee dalka Norway ayaa war ka soo saartay geerida Sarkaalkan u shaqaynayey.

https://www.nrc.no/news/2021/february/statement-on-the-death-of-nrc-staff-member-in-mogadishu-somalia/ 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here