Sanduuq-Xisaabeedyadan Ku Dir Gurmadka Abaaraha, Wixii Tamartaada Ah

0
964

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ka qaybqaado Gurmadka Abaaraha oo ku dir tamartaada akoonnadan (Take part the drought relief campaign and send money to these accounts):

 

Muwaadin ka qaybqaado gurmadka abaaraha lagu badbaadinayo kumanaan iyo kumanaan qoys oo ay ku jiraan carruur yaryar, hooyooyin taag daran, waayeel iyo dad badan oo jilicsan oo halis ugu jira inay u dhintaan nafaqo darro, harraad, baad iyo biyo la’aan. Ogow xaddi kasta oo lacageed oo aad awooddo inaad ku darsato gurmadka abaaraha waxay taageero iyo taakulayn degdeg ah u noqonaysaa qof walaalkaa ah oo laga badbaadiyo harraad iyo gaajo. Ogow qaadhaanka ugu yar oo dad badani diraan, wuxu noqonayaa gargaar weyn oo waxka tara gurmadka biya dhaanka iyo taakulaynta dadka abaaraysan ee jilicsan gobollada bariga Somaliland. Tusaale, 10,000 oo muwaadin oo maanta ku dira ZAAD ama E-dahab ugu yaraan $1, waxay u dhigmaysaa tabaruc ka badan 50 booyadood oo biyo ah oo waraabin kara inka badan 50,000 qof, ama raashinl ku fillaada todobaado ku dhawaad 150 qoys ama 1,000 ugu yaraan.

 

Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland waxay bogaadinaysaa dareenka ay muujinayaan dad badan oo qurbajoog ah oo ka qaybqaadanaya hawlgallada gurmadka abaaraha, waxanay ku boorrinaysaa  dhammaan qurbajoogga inay laba jibbaaraan dadaalkooda kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaarahan taagan. Waxa dhaqan iyo caado u ah qurbajoogga Somaliland inay usoo gurmadaan dadkooda markasta oo marxalad adag sida abaaraha soo noqnoqonaya ka dhacaan dalka. “Isugu naxariista dhulka, Ilaahayna samada ayuu idiinka naxariisanayaa.”

 

Wakaaladda Qurbajooggu waxay ka codsanaysaa dhammaan laamaha warbaahinta gaar ahaan mareegaha kala duwan (Online newspapers) inay ku tabarucaan baahinta Akoonnada Gudida Gurmadka Abaaraha ee hoos ku qoran si aan ugu fududayno dhammaan dadka muxsiniinta ah ee jecel inay dhaqaale ugu tabarucaan  walaalahooda abaaraysan ee gobollada bariga Somaliland iyo hawlgallada gurmadka abaaraha taagan. .

 

AKOONNADA GURMADKA ABAARAHA SOMALILAND

 

(Bank Accounts of the Drought Emergencies to send donations):

 

Ku dir Akoonnadan gurmadka abaarta (Send your donation to these accounts):

 

Dahabshiil:                                         20500

E-Dahab:                                             5222

ZAAD:                                                  4720222

Salaama Bank:                                   60186075

Central Bank:                                     574

 

Source:  Somaliland Diaspora Agency

 

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

 

Head Office: Hargeisa, Republic of Somaliland

 

www.sldiasporaagency.org

www.slforeign.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here