Safiirka Somaliland ee France oo ka qaybgalay Shirka 12 ee lagag Hadlay ka Fa’iideysiga Kheyraadka Badaha oo ka dhacay Magaalo Xeebedka La Rochelle ee Dalka France.

0
779

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkan waxa sii heer sare ah u soo qabanqaabisay dawlada dalka France waa Shir sanadlah  ah wax  ka soo qayb galay xubno gaadhaya 1800  oo qofka oo kala yimid dunida iyo dalka france iyo  shirkadaha daneeya maalgalinta ka faa’iideysiga kheyraadka badaha shirkan oo socoday mudo laba maalmood waxa sii weyn loogo lafa guray sidii dunidu u maalgalin lahayd kheyraadka dihin ee badaha loona sameyn laha suuqa ug weyn ee dhinac kaluumka.

 

Waxa markii ugu horaysay  sii rasmi loogoo marti qaaday Safiirka Somaliland u Fadhiya Dalka France Ambassador Ali ismaciil wuxuu ka jeediyey khudbada la xiidhiidhka dalka Somaliland Tariikhada soo jiran ah dhinaca nabad galyada hanaanka doorashooyinka isla markan tilmaamay halka ay somaliland ka taalo Geeska Afrika  wuxu  sharaxaad guud ka siiyey inay badaha Somaliland ka kooban tahay  850 Kilo Miter oo uu baahan maalgalin Caalamig  Shirkadaha danenaya Maalgalinta Kheyraadka Badaha Somaliland.

gghk

Geesta kale Amb.Ali,wuxu Uga xogagal waramay halka ay kaga taalo biyaha gacanka  cadmeed iyo biyaha  India Ocean   isla markaan ku tilmaamay inay ku taal meel iska tiratij ah oo aad u hodan dhinaca ka faaa’iideysiga kaluumaysiga  Kheyraadka bada somaliland, wuxuu sheegay inay  ku wanagsan tahay dhinaca talxiiska bariga iyo bada  oo ku haboon inay dalxiisyaal badani soo arki karan nabada ka jirta dalka Somaliland.

saf

Sidoo kale Safiirka Somaliland Dalka France ayaa tilmaamay inu  shirkan u iba furay badaha Somaliland siday u baran lahayeen shirkadda maalgalinta ka faa’iideysiga kheyraadka bada ay ka soo qaybgalen 1800 qof oo isku jiray xubno ganacsato waaweyna dalalka Yurub America Aasiya Afric wuxu tilmaanay inay sanadka dambe ahmiyad siin doonaan Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badaha Somaliland.

 

Shirka labada maalmood socoday waxa furay madaxweynaha Francis Holland wuxu ka jeediyey khudbad oo aad u mahadnaqay ka soo qaybgalaysaasha Shirka sidoo kale wuxuu sharaxay ahmiyad uu shirkan u leeyahay dalka iyo sidii ayuu yidhi shirkaddaha France uga qayb qaadan lahyeen maalgalinta kaluumaysiga badaha Madaxweynaha Dalka France ayaa kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha inay inay ahmiyad siyaan sidii bulshada Caalamig loogo faa’iidan laha kheyraadka Badaha.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here