SANAAG: Gobol Aqoon-yahankiisi Ku Shaqo La Yihiin Iyo Duqay Maroorsaday Maamulkii Aqoonta Ubaahanaa

0
958
Ceeerigaabo - Sanaag
Ceeerigaabo – Sanaag

SANAAG:- Wado la’aan iyo Go’doon ayaa loo nisbeeyaa Sababta keentay in uu gobolkaasi uga dambeeyo Goboladda kale ee Dalka waxana xubnaha maamulka u ah Gobolkaasi ku cataaban inay dalka intiisa kale ka fog yihiin taasina sabab utahay horumar la’aantooda.

SANAAG:- Aqoonyahankeeda iyo dhalinyaradda Heer jaamacadeed ee dal iyo debedba kasoo baxay waa kuwa Saxiib u ah balwadaha Kuna dhex asqoobay Gobolka ayna sabab utahay shaqa la’aanta haysata, eex Qabyaalad iyo Nin jeclaysiga maamulada Ka Arimiya.

Goboladda dalka aqoon yahanka iyo Dhalinyarada wax ubaratay Waa kuwo bedelay jiilkii hore ee duqayda iyo aabayaasha xiligan, balse wadciga gobolka Sanaag ka jira waa mid kaasi ka Gedisay shaqooyinka Wasaaradaha waxa Ka Arimiya Boosh cadayaal talada qabsaday 1990 kana Da’a Weyn qaranka Somaliland fikir ahaana qaba inay Dawladda uga waayo aragsan yihiin shaqooyinka ay qabanayaan taasina ay sabab unoqtay inaan Cidina Bedelin Oo xukumadu iskeed uga baqato.

Aqoon yahanka iyo dhalinyaradda kasoo qalin jebisay jaamacadaha Goboladda kale iyo Dalka dibadiisa intooda ka baaday inay nafta ku biimeeyaan mahlakadda iyo masiibadda tahriibka ee xiligan gobolka Gaar ahaana Ceerigaabo ku sugan ayaa waxa shucuurta dareenkooda laga dheehanayaa niyad xumaanta dihaalka iyo dayaca camal la’aanta iyo raja beelka, qoomamadda cilmigii ay mudada badan soo baranayeen.

Qaar badan oo aan wareystay waxay iisheegay inay isku dayeen inay gobolkooda waxbadan kusoo kordhiyeen kana hawl galaan balse nasiib daro riyadoodi ay rucdi hortaagan ku noqdeen duqay maamulka gobolka Wasaaradaha iyo haayadaha kale ee lamaaha dawladda ku xididaystay oo aan ogolayn dhiig cusub iyo dhalinyaro horumar ama bulshadda wax utaraysa oo soo baxda marka laga reebo laba ama sadex reerkiisa mid walba ah oo raali kaga ah masuq maasuqa iyo boobka xatooyada xoolaha Umadda.

Dhanka kale xukumadda Madaxweyne Silaanyo hogaamiyo ayaa iyadu noqotay mid ka seexatay inay diiradda ku hayso gobolka Isku habsaamay wax-na ka qabto xarumaha laamaha Dawladda gobolkaasi ee qaarka usaaran in la kala dhaxlo.

Ma jirto isku day yidi diilo unoqon kara aqoon yahanka iyo dhalinyaradda gobolkaasi oo marnaba Xukumaddani Samaysay taasina waxa Sabab u ah gobolkan oo la odhan karo waxaba iska yar saamaynta uu ku dhex leeyahay Madaxtooyada maadama oo aanay Jirin wax wasiiro dhalasho ahaan Sanaag Kasoo jeeda marka laga reebo Wasiirka Biyaha oo isagu saaxada dhowaan kusoo Biiray taasina waxay sabab unoqotay Inaan da’yartu haysan cid xukumadda reer sanaag Kaga jirta oo ay cabashadooda u dhiibtaan kana gudbisa si wax loogaga qabto gobolka Qufilan.

Mohamed Yousof Bakayle

Mbakayle@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here