Sacdiya Yaasiin Samatar oo Ku Guuleysatay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka

0
784
Sacdiya Yaasiin Samatar oo Ku Guuleysatay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka
Sacdiya Yaasiin Samatar.

Muqdisho (Hargeisa Press) Waxaa la soo gabagabeeyay doorashadii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya , waxaana ku guuleysatay Sacdiya Yaasiin Samatar oo heshay 137 cod, halka murashaxii la tartamayay Maxamed Cumar Caana-Nuug uu helay 107 cod.

Waa markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya oo ay ku guuleysato haweeney guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin Samatar ay ka guuleysatay murrashaxii la tartamayay ee Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug).

Xildhibaan Caana-nuug, ayaa aqbalay natiijada, isagoo sheegay inuu la shaqeynayo guddoonka cusub ee baarlamaanka mudada afarta sano ee soo socota.

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa iyaduna u mahad celisay xildhibaanada ku aaminay codkooda, iyadoo sheegtay in balantii ay qaaday ee khudbadii ay ka hor jeedisay xildhibaanada ay ku shaqeyn doonto, waxayna u mahad celisay dhinacyadii kala duwanaa ee la soo shaqeeyay.

Labada murrashax, waxaa taageerayay isbaheysiga mucaaradka, iyada oo musharraxiintii ay wadatay Villa Somalia ay ku hadheen wareegga koowaad.

Sacdiya Yaasiin, ayaa waxaa lagu xusuustaa inay caan ku ahayd doodaha baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya, iyadoo fikirkeeda ku dhaliili jirtay guddoonkii hore ee baarlamaanka iyo madaxweynaha uu mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Waxaa hadda socda tirinta cododka guddoomiye ku xigeenka labaad oo ay ku tartamayaan Mahad Cabdalla Cawad iyo Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo cododka uu ku horeeyo Abshiroow.

Wixii warara ee ka soo kordha kala soco Hargeisapress

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here