Madaxweyne Biixi oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Guddida Doorashooyinka

0
1235
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka xoogan ee ka dhex qarxay guddida doorashooyinka Somaliland, taasi oo la xidhiidha wareegtooyin iska hor imanaya oo shalay ka soo baxay guddida doorashooyinka oo lagu sheegay in guddoomiyihii guddidaasi xilka laga qaaday.

Qoraalka shalay lagu baahiyay boga Guddida Doorashooyinka Somaliland oo isla markii la baahiyayba laga saaray boga guddida , ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), islamarkaana guddoomiye loo doortay Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

Sidoo kale, Qoraal kale oo lagu baahiyay isla bogan, ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), uu wali yahay guddoomiyaha guddida.

Haseyeeshee, Wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi uu 27 Abriil kulan la qaatay xubnaha guddida doorashooyinka isla markaana, uu ugu baaqayo in ay xalinta khilaafkooda ku dhamaystaan sharciga.

Wareegtada, ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadahadal iyo wada tashi kadib ay Madaxweynaha iyo xubnaha guddida doorashooyinku isla qaateen in arrintaasi khilaafka dhalisay loo maro sharciga, islamarkaana labada dhinac aanu midna wax war ah soo saarin inta laga war sugayo wixii sharcigu dhigayo.

Hadaba qoraalada is burinaya ee ka soo baxay xafiiska guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa daaha ka qaaday khilaaf ka dhexeeya xubnaha guddida, oo ku aadan cidda hogaaminaysa.

LEAVE A REPLY