Saaxil: Maxkamad Xukun Ku Riday Maraakiib Ogolaanshiyo La’aan Ku Soo Gallay Biyaha Somaliland

0
365

Berbera (HP): Maxkamadda gobolka Saaxil ayaa maanta xukun ku riday laba nin oo watay Taag ama Markab nooca Maraakiibta jiidda ah oo dhawaan laga soo qabtay xeebaha galbeed ee Somaliland.

Labadan Taag ayaa maalmihii u danbeeyay ku xidhnaa saldhiga taliska ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland ee magaaladda Berbera.

Kadib markii ay todobaadkii hore ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland ka soo qabteen xeebaha galbeed ee Somaliland.

Iyadoo markii u danbaysay la qabtay iyagoo dekadda magaaladda Berbera u jiray 7.5 nautical mile, kuwaasoo biyaha Somaliland ku soo galay ogolaanshiyo la’aan.

Sida uu sheegay C/salaam Xaashi Cabdi, oo ka mid ah garsooreyaasha maxkamadda gobolka Saaxil, ayaa warbaahinta u akhriyay xukunka lagu riday labadan Taag ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysanayay xeebaha Somaliland

C/salaam Xaashi, waxa kaloo uu sheegay in markii sababta ay biyaha Somaliland ugu soo xad-gudbeen la waydiiyay in ay labadda eedaysaneba qiraal ku yihiin in ay ku soo galeen ogolaanshiyo la’aan.

Iyagoona saddex arrimood ku sheegay sababta ay biyaha Somaliland ugu soo xad-gudbeen, wax wakiil ahna aanay ku lahayn Somaliland.

Kadib markii uu danbigaasi maxkamadda horteedda kaga cadaaday, waxay ku xukuntay $20,000 oo dollar oo ganaax ah, sida uu dhigayo xeerka Baddaha Somaliland Xeer LN. 1989.

Sida uu sheegay garsoore C/salaam Xaashi Cabdi, oo sharaxaad ka bixinayay xukunka lagu riday labadaasi Taag.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Offie.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here