Ruushka oo shir degdeg ah isugu yeeray golaha amaanka ee Qaramada Midoobey

0
147

Ruushka ayaa ku baaqay kulan deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka yeesho duqeymaha Mareykanka uu ku hayo kooxaha Maleeshiyada ah ee Iiraan taageerto ee fadhigoodu yahay Ciraaq iyo Suuriya.

“Waxaan kaliya dalbanay fadhi deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho khatarta nabadda iyo badbaadada ee ay abuureen weerarrada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq,” Diblomaasiga Moscow ee Qaramada Midoobay, Dmitry Polyansky, ayaa sidaas ku yiri baraha bulshada.

Ruushka – oo xubin ka ah golaha joogtada ah – wuxuu la noqday saaxiib dhow oo Iiraan.

Dowladda Ukraine iyo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushku uu isticmaalayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan laga leeyahay tan iyo bishii February ee sannadkii 2022-kii markaasoo ay duullaan ballaaran ku qaadeen dalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here