Maxaan ka ognahay ilaa hadda ninkii lagu eedeeyay in uu gubay xaaskiisa ee baxsadka ah iyo halka uu ku danbeeyo?

0
133

Muqdisho, Sida ay baahiyeen booliska Soomaaliya, Sayid Cali Macalin oo ku eedeysan in uu dhawaan xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho ayaa wali laamaha ammaanka Soomaaliya ku howlan yihiin baadi goobkiisa, iyaga oo sheegay in uu baxsad yahay. Booliska Soomaaliya ayaa yiri: “Qofkii xog ku saabsan nala wadaaga waxaan siin doonaa abaal marin. Xaaskii ninkaan la baadi goobayo ayaa u dhimatay dhaawc ka soo gaaray dabka uu ku gubay odeygeedu, sida ay sheegeen masuuliyiinta booliska. Ilaa hadda lama oga halka uu ku sugan yahay ninkan oo baxsaday markii falka uu ku gubay xaaskiisa uu sameeyey. Laakiin xogo soo baxay oo aysan BBC-du si madaxbanana u xaqiijin ayaa sheegay in ninkaan uu ka baxay magaalada Muqdisho isagoo gaaray deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu matalo deegaanka uu ka soo jeedo eedaysanuhu, isaga ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dad damiin loo waydiiyey xilli shaqo loo qaadanay balse uu ka xun yahay ficilka uu sameeyey, balse wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay falka lagu eedeeyay in uu ku kacay ninkii uu dabiintay.

Xildhibaan Saabir ayaa intaa raaciyey in ehelka uu ka soo jeedo ninkaan oo isagu ku matalo barlamaanka ay ka shaqaynayaan sidii loo soo qaban lahaa isagana bari yeeli lahaayeen danbigaa xun ee wiilkoodu gaystay.

bbcSomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here