Ruushka oo Fara-geliyay Doorashadii Mareykanka Ee 2020-kii

0
899

Washington (Hargeisa Press) – Warbixin uu Salaasadii shalay shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u badan tahay inuu si toos ah u amray, isku day lagu fara-geliyay doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee sannadki 2020-kii.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Ruushka uu sameeyay isku day ah inuu fara-geliyo hannaanki doorashadi lasoo dhaafay, si uu ugu guuleysto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, laakin sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay, in ugu danbeynti ayna dhicin saameyn wax ka baddashay natiijadi kasoo baxday doorashadii Mareykanka ka dhacday bishi November ee sannadki 2020-kii.

Warbixinta oo ka koobneyd 15 bog isla markaana ka soo baxday xafiiska Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Iran ay isku dayday in ay wiiqdo kalsoonida shacabka Mareykanka ee nidaamka codbixinta si ay u dhaawacdo in Trump mar kale uu ku soo baxo doorashadi Mareykanka ee sannadki hore.

Washington ayaa lagu wadaa in ay todobaadka danbe cuna-qabateyn ku soo rogto Moscow, sababo la xidhiidha fara-gelintani la sheegay in ay ku sameeysay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka ee sannadki 2020-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here