Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Tiradda Afgembiyadii Uu Ka Bad-baaday

0
706

Addis Ababa (Hargeisa Press.com): Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore dhacay.

Abiy, oo golaha Wakiillada shacabka ee federaalka dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku saabsan afgambigii dhicisoobay iyo xaaladda uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay.

Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsan.

“Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka.”

“Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi lahayn walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay yidhaahdaan waxaan tallaabba sharci ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha odhanina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dadka qaar leeyihiin.”

“Golaha sharafta leh waxaan jeclahay inaan u sheego dadkii afgambiga dhicisoobay qorsheeyey, diyaariyey, ee qoray qorshahooda iney na soo gaadhsiinin, intii la odhan lahaa sidaa ma aha iyaga ayey kaga habbooneyd iney noo sheegaan waxaasaan damacsanayn.”

“Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ah ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey.”

Haddii aad i weydiisaan afgambiga aad sheegeysaan halkeed ka keenteen? Afgambigii 1961-kii dhacay mid la mid ah ayaa dhacay oo jeneraal dowladda ka tirsanaa ayaa laayey ciidama ama madax dowladdii boqortooyada ka tirsaneyd, ciidan dowladda daacad u ah ayaa ka hor yimid sidaa ayuuna ku dhicisoobay.

Afgambigii hadda dhacay inta aan ka ogahay kooxda afgambi sameeysay ciidamo xoog badan ayey deegaanka Benishangul soo geliyeen, Baxardar waxay ka sameeyeena waad aragteen, Addis Ababana sida oo kale.

“Waxyaabihii aan dhicin ama dadkii la damcsanaa in la khaarijiyo haddii ay nasiib wanaag ay dhimanin oo ay badbaadeen ha odhanina afgambi ama nidaamka dastuuriga ayaa meel lagaga dhacay waa khalad aad u weyn.”

“Deegaannada Benishaangul iyo Oromada dadka aan ka soo qabqabannay waxaa ka mid ah ciidamo loo soo tababaray khaarijinta madaxda hay’adaha amniga.”

Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidamo aan yarayn oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid.

Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xidhay kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen.

Markaa dad baa isku dayaya iney noo sheegaan waxa dhacay in aanu afgambi dowladeed ahayn, caqli gal ma tahay taa? haddii ay qiil ka dhiganayaan dowlad deegaan ayaa afgambi lagu sameyey sharcigee u banneeyey in dowladda dhexe Afgambi lagu sameeyo. ayuu yidhi Dr Abiy.

Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaa wakhti xaadirkan xaaladda dalkeenna uu ku sugan yahay cidna talada dowladda xoog kuma qabsan karto, in la isku dhammaado iney horseeddo mooyaane.

Nidaamka wakhti xaadirkan dalka uu ku dhaqmay ee Fedraalka ku dhisan ciddii isku dayda in ay dowlad dhexe afgambido uma suura galeyso inaan horseedno masiibo ay subax walba boqollaal kun ku dhintaan moyee dowlad marnaba afgambi kuma noqon karo.

Dadkii Afgambiga ku lug lahaa, sameeysay, ka dambeysay ama gacan ka geysatay intey doontaba hanagu qaadatee waan shaacin doonnaa shacabkana waan u soo bandhigeynaa.

“Dadka waxaa isaga qasan Dastuurka Federaalka iyo kan deegaanka, dastuurka deegaannadda waxaa laga soo minguuriyey kan dowladda dhexe haddii uu ka degaanka jirinna kan dowladda dhexe ma jirayo”.

“Dowladda jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya uu fadhigeedu yahay Adis Ababa ma jiri karto haddii uu deegaan ka mid ah uu ka maqan yahay dowladda dhexe ” ayuu yidhi.

“Weerar kasta oo deegaan ka mid ah deegaannada dowladda dhexe dhisay waxay la mid tahay weerar lagu soo qaaday dowladda Itobiya.

Ra’isul wasaarae Dr. Abiy Axmed oo warbixintiisa sii watay wuxuu golaha uu u sheegay sannadkii la soo dhaafay iney isku day iyo afgambiyo aad u fool xun ay dalka Itoobiya ka dhaceen, inta aan la ogeyn idiinma sheegayee inta la ogyahay aan idiin sheego.

July 23, 2018-kii, iyada oo isbeddelku uu labo bilood oo keli ah jiro oo aan wax badan dalka ka qaban isbeddelkana uu curdin yahay waxaa la sameeyey falki foosha xumaa iyo qarixii lagu doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo.

Inta aan dadkii dambiilayaasha ee falkaasi ka dambeeyey aan kala saarin oo aan baadhitaankooda ku gudajirno, haddana laba bilood gudahood, oo afar bilood oo keli ah aan xilka hayo deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqabad ku noqoneysa oo aad u abaabulan, ciidadamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisan ay ka qayb qaateen.

Falkaasina dhalinyaro badan ayaa ku nafweyday, kaniisado ayaa lagu gubay, dhibaato aad u badan ayaana ka dhalatay, taa markii aan ka soo gudubnayna ciidamo aad u hubeysan oo aan yareyn ayaa xafiiskeyga iigu soo weeraray, oo aan si maskax ah kaga baxsannay.

Ciidamadaasi markii aan si caqli iyo xeelad ku jirto aan dib isaga celinnay laba biloodba inta ay ka soo wareegin haddana galbeedka dalka wixi ka dhacay waad ogeeydeen.

Waxaa galbeedka Itoobiya ka abuurmay xoogag ku dhawaaqay iney seddex bilood ay dowlad ku noqonayaan tallaabbada adag oo aan xooggagaasi ku nadiifineyno ayaan qaadnay wakhti badanna naguma qaadan, balse inta aan howshaasi si buuxda u soo afjarin, waxaa qayba badan oo dalka ka mid ah ka abuurmay xoogag qas wadayaal ah si ay shacabka u barakacaan.

Xaalku halkaa marka uu marayo haddana waxay xeeladdooda u beddeleen iney shaqaalaha dowladda adeegsadaan sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo ay shaqo joojin sameeyaan iyaga oo sabab uga dhiganaya mushaarka oo ku yar iwm, balse arrintu waxay ahayd mid siyaasadeysan.

Xilligaasi Itoobiya xaaladda dhaqaale ee ay ku sugneyd ma aha xilli dowladda mushar kordhin la weydiisto qaar kooban ayaa dib ka fahmay waxa arrintaasi ka dambeeyey balse badankood maanay fahmin.

Dadkii noocaasi ahaa markii aan la fadhiisannay oo aan qancinnay una sheegnay inaan la joogin xilli mushahar iyo xuquuq la weydiisto, haddana waxaa nagu billaawday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhan walba dowladda lagala dagaallamay.

Iyada oo la leeyahay waddankiiba Oromo ayuu gacanta u galay, ciidankii oo dhan Oroma ayaa qabsatay jagooyinkii oo dhan Oromo ayaa isku koobtay iwm, oo xaqiiqda ka fog.

Waxaanna golaha sharafta leh u sheegayaa dhammaan hay’adaha dowladda intey baadhaan haddii ay soo saaraan xil dheeri ah oo ay qowmiyadda Oromada xaq u lahayn oo ay haysato, laga billaabo aniga waxaan diyaar u ahay in tallaabbo la iga qaado.

Ujeeddada laga leeyahay ayaa waxay tahay in shacabka miskiinka ah wararkaasi beenta ah layskaga horkeeno waxaan idiin sheegay habayaraatee in aanay jirin kursi dheeraad ah oo ay qowmiyadda Oromada haysato.

Markii ay kooxa dalka dhibka ka wadaa arrimahaasi oo dhan ay u suurageli weyday oo ay ku guul darreysteen ayay magaalada Baxirdar iyo Addis Ababa wixi foosha xumaa ee ka dhacay ayey sameeyeen.

Shacabka Itoobiya waxaan u sheegayaa isbeddelka inuu yahay mid run ah, isbeddelkanna wuxuu dawo u yahay dalkan Itoobiya, isbeddelkani maaha mid Itoobiya midnimo u horseedaya balse waa mid muwaaddiniinta Itoobiya oo dhan sharaf iyo horumar u horseedaya.

Dadka isbeddelkan hoggaanka u haya waxaan u sheegayaa maadaamaa ay runtu nala jirto in aanay cidana na joojin karin, cidina nama joojin karto.

Imtixaan kasta oo nala soo darsa adadeyg ayaannu ka sii qaadeynaa, haba yaraatee nama daciifinayso, shucuubta dalkana waxaan u sheegayaa iney ka wada qayb qaataan sidi dalka dimuqraadiyad buuxda aan u gaadhsiin lahayn.

Cid kasta oo isku dayda midnimada iyo qaranimada Itoobiya in ay wiiqdo kulama dagaallamayno qalin oo keli ah ee waxaan diyaar u ahay inaan qori qaato oo aan la dagaallamo.

 

Xigasho: Wakaaladaha Wararka

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here