Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Oo Ku Hawlan Cidhib-tirka Miinnadda

0
872

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga  Somaliland  ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka  furay kulan lagu gorfaynayo sidii kor loogu qaadi lahaa nidaamka lagu nadiifinayo miinada dalka.

Kaasoo qorshaha guud ee Somaliland uu yahay sidii 2030 dhammaan dalka oo dhan looga nadiifin lahaa miinada ku aasan amaba walxaha qarxa ee dhulka guudkiisa saran.

Kulankaasi  oo   lagu  qabtay  Hotel Maansoor, waxaa  ka soo qayb galay Maareeyaha hay’adda wadooyinka qaranka, madaxda ugu saraysa hay’adda Miino saarka ee THE HALLO TRUST, masuuliyiin kale oo ka kala socotay qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha wax ka qabashada Miino saarka.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa kulankaasi ka sheegay in ka wasaarad ahaan ay si weyn uga shaqaynayaan sidii miinada wax weyn looga qaban lahaa.

Waxaanu xusay in himialada dowladda Somaliland ay tahay in 2030 ay Somaliland noqoto goob ka bad qabta walxaha qarxa.

Isagoona dhiiri galiyey dhamaan shaqaalaha kala duwan ee ku hawlan wax ka qabashada miino saarka dalka oo iskugu jira kuwo dowladdu maamusho iyo hay’addo madax banaan.

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Cismaan Sheekh Cabdi Yuusuf, ayaa sheegay in ay ka wakaalad ahaan wada shaqayn weyn leeyihiin qaybaha kala duwan ee ka shaqeeya wax ka qabashada Miinada.

Waxaanu xusay in ay qaybtooda ku aadan ee dhanka horumarinta wadooyinka ay wadaan taasi oo ay bar-bar socoto sidii miinooyinka looga saari lahaa meelaha lagu tuhmo in ay ku jiraaan.

Mid ka mid ah masuuliyiinta hay’adda miino saarka ee The Hallo Trust ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo faro badan oo ay wax uga qabanayaan miino saarka dalka.

Waxaanu tilmaamay  in ay mudo dheer wadeen sidii ay dalka uga nadiifin lahayeen miinada hadhaadiga ah ee ka hadhay dagaaladii kala danbeeyey ee ka dhacay Somaliland kuwaasi oo garab ka helaya hay’ddaha dawladda ee ku shaqadda leh arrimahaasi oo ay ka mid tahay hay’adda SMAC oo hoos timaada wasaaradda gaashaandhiga.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY