Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Eedo U Jeediyay Dawladda Muqdisho

0
797

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa si adag uga hadlay farogalinta qaawan ee maamulka cagojiidka ah ee Soomaaliya uu ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland.

Naasir Cali Shire, oo tirsan golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in in Somaliland ay tahay qaran madaxbannaan oo madaxbanaanidiisa la soo noqday sannadkii 1991-kii, isla markaana xidhiidh toosa la leh beesha caalamka.

“Waxaan doonayaa in aan dhawaaq dheer ku sheego shalay maanta maaha, Somaliland waa qaran madaxbannaan oo xornimadiisii la soo noqday sannadkii 1991-kii, 18 bishii May.

Waxaanu nahay dawlad xidhiidh la leh Caalamka oo xukunta xuduudaheedii iyo dalkeedii, waxaana uu marayaa Faramaajo caqligii 1991kii, Somaliland waa dawlad xisbiyo leh oo Dimuqraadiyad ah oo qofku si xora uu u hadli karo, waxaana Maanta taala in wadahadal yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya, iyaga oo kala taagan labo dawladood”.

Sidoo kale xildhibaan Shirre, ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka Soomaaliya in ay ku hawlan tahay dagaal hoose oo ay ku hayso Somaliland.

Waxaanu madaxweyne Farmaajaha Xamar ku dhaliilay in uu ka baqayo wada hadal in ay isku soo hor fadhiistaan Somaliland.

“Ma aha in uu ka warwareego Farmaajo wadahadalada oo uu ku soo hor fadhiisan-waayo, waxaanu ku baqayaa in uu soo hor fadhiisto Somaliland.

Waxa kaloo la marayaa in dagaal qarsoon uu ku hayo Somaliland maamulka ka taliya magaalada Muqdisho oo ah aan kaligay noolaado, waa dagaal qarsoon oo daaha dabadiisa ay ka riixayso dawlada Soomaaliya”ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire.

Geesta  kale Xildhibaanku waxa uu jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa,  oo uu ku sheegay in warqda xoolaha ka dhoofaya Berbera laga soo qaato dalka Soomaaliya.

Waxaanu yidhi “Markii uu soo quustay Ismaaciil Buubaa ayuu dalka ku soo noqday, waa la soo dhaweeyay, hadana maanta waxa aad ka bilowday in gudahoodii dadka isku dirtaan.

Waxa aad bilowday in aad tidhaahdo xoolaha Somaliland laga dhoofinayo ha qaataan warqada Soomaaliya iyadoo 28 sanno ay jirtay Somaliland oo xoolaha Berbera ka dhoofaa warqada Somaliland ku bixi jireen, waxaana uu bilaabay in uu sameeyo wax kasta oo uu Somaliland ku xumaynayo”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here