Raysal-wasaaraha Itoobiya Muxuu ka yidhi Khilaafka Madaxda Dowlad-deegaanka Soomaalida?

0
753
Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar) iyo Axmed Shide

ADDIS ABABA, (HargeisaPress) Ra’iisul-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa soo geba-gabeeyay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar) iyo guddoomiyaha Xisbiga Axmed Shide ahna Wasiirka Maaliyada.

Madaxda uu fadhigoodu yahay magaalada Jigjiga, ayaa shalay mar kale looga yeedhay xafiiska mas’uulka ugu sarreeya dalka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, sida ay baahisay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC oo aannu warkan ka soo xigannay.

Warku wuxuu intaa ku daray in Abiy Axmed, shir ay albaabbada u xidhnaayeen la yeeshay hoggaamiyeyaasha Xisbiga iyo Xukuumadda dowlad-deegaanka Soomaalida. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin qodobbadii ay mas’uuliyiinta ka wadahadleen, haddana waxaa la rumeysan yahay in ujeedka kulankoodu uu la xidhiidho khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo guddoomiye Axmed Shide.

Markii uu shirka soo idlaaday ayaa macluumaad aan faahfaahin buuxda ahayn lasoo dhigay baraha xidhiidhka bulshada. Bogga uu xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ku leeyahay facebook-ga, ayaa lagu daabacay sawirro muujinaya saddexda mas’uul oo is garab-taagan, isla markaana dhoolla caddeynaya.

Qoraal lasoo raaciyay sawirrada, ayaa lagu yidhi; “Waa in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka”. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa safar dalka dibeddiisa ah ku maqnaa intii uu maalmihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here