Ramla Cali oo Lagaga Adkaaday Tartankii Feedhka Olombikada Ee Tokyo

0
891

Tokyo (Hargeisa Press) – Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka ciyaaraha Feedhka ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan, ayaa lagaga adkaaday tartanka.

Maria Claudia Nechita oo ka socotay dalka Romania, ayaa kaga guuleystay feedhkan xilli ay dhexmartay ciyaar adag.

Ramla Cali, ayaa muujisay dadaal fiican qeybtii hore ee cayaarta, balse qeybtii dambe ayaa laga helay dhibcaha lagaga guulaystay, sida ay sheegtay Faadumo Nuur Cali oo ah gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee guddiga Olombikada Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay oo gabadh Soomaaliya ka socotaa ay ka qeyb qaadato tartanka dhinaca feedhka ah, iyadoo matalaysa qaranka Soomaaliya

Gudoomiye ku-xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliya, ayaa sheegtay in Ramla lagaga guulaystay nasiib, waxayna ku amaantay in ay muujisay dadaalkeedii ugu badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here