Shirkadda SOMPOWER Oo Daah-furtay Mashruuc Lagu Yaraynayo Khatarta Korantadda

0
675

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirkadda SOMPOWER, ayaa maanta daah-furtay barmaamuj lagu yaranayo Khatarta Korantad, kaasoo la doonayo in hab casri ah loo maareeyo hanaanka qaybinta adeegga Korantada.

Barnaamijkan, ayaa qaab ka duwan kan hadda la istcimaallo kana casrisan looga guurayo, sida ay maamulka sare ee Shirkaddu kaga dhawaaqeen kulan lagu daah-furay mashruucaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibada ka qaybgalay Maamulka Shirkadda SOMPOWER, Masuuliyiin ka socday laamaha Dawladda ee ka shaqeeya howlaha Tamarta, madax ka socotay Qasriga Madaxtooyada, Ganacsato iyo khubarro kale.

 

Maareeyaha guud ee Shirkadda SOMPOWER Cabdilaahi Beershiya, oo shirkaasi khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in barmaamujkani ka kooban yahay laba mashruuc oo isku sidkan.

C/laahi Beershiya, waxa kaloo uu tilmaamay in looga gol leeyahay in halista ka dhalata Korantada iyo dabka lagu maareeyo hab casri ah oo mustaqbalka waara.

“Waa mashruuc wakhtigiisa iyo Kharashkiisaba wata. waa mashruuc ay doonayso Shirkadda SOMPOWER inay u babac dhigto si ay u fuliso. mashruucani wuxuu ka kooban yahay laba mashruuc oo isa saaran.

Wejiga koowaad waxa weeye in aan sidii hore waxba lagu socon ee wax weyn laga bedelo oo aanu dib u habayno nidaamkii hore ee ahaa in nafta uun lagu sasabo ee ahaa in aanay magaaladu dab uun waayin iyo in aan u guurno nidaam casri ah”.

Geesta kale, masuuliyiin ka socday Komishanka Tamarta, Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, xubno ku hadlayey afka Boodhka sare ee Shirkadda SOMPOWER iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ayaa iyagna kulankaasi halkaasi hadlay.

Waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyey Mashruucan shirkaddu daah-furtay, waxaanay ku hambalyeeyeen maamulka shirkadda dedaalka uu soo bandhigista barmaamujkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here