“Ciidamadda Boolisku Waxay Gacanta Ku Soo Dhigeen January Ilaa June”…

0
1354

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland General Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa ka warbixiyay cadadka maandooriyaha ay sanadkan gacanta ku soo dhigeen boolisku.

Taliye Dabagale, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in maandooriyaasha Khamriga iyo xashiishadu dalka dhibaato wayn ku hayaan.

Taliyaha ayaa sheegay in siyaabooyin kala duwan loo soo galiyo dalka, sida in ay dhacday in Istambiga gawaadhida lagu soo guro xashiishada iyo inay dhacday in Furaash lagu soo guray xashiishad, dabadeed qof bukaan laga dhigay la dul jiifiyay.

Sidoo kale, taliyaha, ayaa sheegay in tiraba dhawr jeer ay dhacday xashiishad lagu beeray beeraha duleedka magaalada iyo guryaha dhexdooda.

Wuxuu soo jeediyay in dhammaan hay’addaha dowladda iyo bulshadu ka hawl-galaan cidhibtirka Maan-dooriyayaasha, isagoo ugu dambayn soo jeediyay in hay’addaha dawladu kawada qayb-qaataan sida wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta, Caafimaadka, Waxbarashada oo uu sheegay in manhajka lagu daro dhibaatada ay leeyihiin Maan-dooriyayaashu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here