Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya oo Ku Geeriyooday Turkiga

0
1178

ISTANBUL (Hargeisa Press) — Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xasan Abshir Faarax ayaa muddo xanuunsanaa, waxaana uu ahaa 77 sano jir.

Xasan Abshir waxa uu xilal ka duwan kasoo qabtay Soomaaliya, isagoo soo noqday Ra’isal Wasaare xilligii dawladii Madaxweyne Cabduilqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale, Xasan Abshir Faarax waxa uu soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Sannadihii u dambeeyey Xasan Abshir Faarax waxa uu xubin ka ahaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka hor intii aanu ka fadhiisanin siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here