Ganacsatada Qaadka Kenya oo Khasaaray $ 80,000 Markii Dib Loo Celiyay Diyaarad Qaad Siday oo Hargeysa Ka Degi Lahayd

0
1184

Nairobi (Hargeisa Press) – Ganacsatada qaadka Kenya ayaa sheegay inay ku hungoobeen dariiq toos ah oo xagga cirka ah oo ganacsigooda isaga gudbi lahaa Nairobi iyo Hargeysa si ay halkaas u geeyaan Qaadkii Soomaaliya ay joojisay.

Ganacstadu waxay sheegeen in ay ka heleen oggolaansho Maamulka Duulista Rayidka ah ee Somaliland, balse diyaaradii ugu horeysay oo dhawaan isku dayday inay Qaad geyso Hargeysa ayaa amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya loogu diiday inay cago dhigato gegida Hargeysa.

Gudoomiyaha Ganacsatada Nyambene Miraa (Nyamita) Kimathi Munjuri ayaa sheegay inay lumiyeen ilaa $ 80,000 kadib markii ay khasaare xoogan ay kala kulmeen badeecadii qaadka ee loo safriyay Somaliland.

Ganacsatada reer Kenya waxay  cadaalad daro ku tilmaameen in qaadka ka yimaada Itoobiya loo ogolaaday Soomaaliya, koodana loo diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here