“Qurbe joogta dagaalka hurinaysa waxaanu leenahay shillinkiina haku bixini-na Dhiiga walaalkaa”….

0
675

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday in ay colaadda joojiyaan  shaqaaqo laba beelood todobaadkan ku dhex martay degaamadda Shidan iyo Waqdariya oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka oo maanta wada jir warbaahinta ugula hadlay Hargaysa ayaa ku eedeeyay dad qurbe joog ah in ay ka danbeeyaan hurinta dagaalkaasi.

Mustafe Maxamuud Cali, wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland ayaa ugu baaqay labadda dhinac ee shaqaaqadu u dhaxayso in ay dagaalka joojiyaan, maadaama ay yihiin ehel iyo walaalo ah oo weligoodna wada deganaa.

Waxaanu yidhi, “Beelahaas waxaanu ugu baaqaynaa, baaq nabadeed. Labadda dhinac-ba waxaanu leenahay nabadda adkeeya, dagaalka hala joojiyo. Maadaama aan la kala tegaynin”.

Wasiirku waxa kaloo uu  sheegay in hurinta dagaalkaasi ay qayb ka yihiin dad qurbe joog ah oo deegaankaas u dhashay, kuwaasoo uu kula taliyay in ay joojiyaan dhibka ay ka dhex wadaan dadka walaalaha ah.

“Qurbe joogta, dagaalka hurinaysa waxaanu leenahay ILLAAHAY SWT ka baqa. Shillinkiina haku bixini-na in qof bini’aadam ah Dhiigiisu daato, oo weliba walaalkaa ah, oo aan idinka fogayn.

Qurbe joogta waxaan leenahay, naga daaya dhibka, haddii aydaan dalka waxba ku soo kordhinaynin”ayuu yidhi Mustafe Maxamuud Cali, wasiirka cadaaladda Somaliland.

Geesta  kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka ayaa ugu baaqay madax dhaqameedka iyo waxgaradka labadda beelood ee dirirtu u dhaxayso iyo kuwa beelaha kale ee gobolka Sanaag in ay ka shaqeeyaan sidii colaadaasi loo demin lahaa.

Waxaanu digniin u diray dad uu ku eedeeyay hurinta colaadaasi oo qaarkoodna ay dalka joogna qaarna wadamadda dibadda.

“Dadka hurinaya colaadaasi, ee Qarafka ku daaraya, qaarkood waa reer somaliland, wax ay hurinta colaadda ka faa’iidayaan garan maayo.

Dad-na waa dad dibadaha jooga, oo hadalo naxli ah soo diraya ama wax ku bixinaya”ayuu yidhi wasiir ku-xigeenku.

Waxa kaloo wasiir ku-xigeenku uu beeniyay wararka sheegaya in colaada beelahaasi ay ku lug leedahay Puntland, taasoo uu ku tilmaamay mid aanay waxba jirin meello deegaankaas ka mid ah oo Puntland joogtaana aanay jirin.

Waxaanu yidhi,  “Waxaan maqlayay dad leh Somaliland iyo Puntland ayaa ku diriraya. Anigu meel deegaankaas ka tirsan oo ay Puntland joogto, ma garanayo.  Waxaa loola jeedaa in halkaa lagu dagaalo oo fidno ka dhacdo. Xumaan bay ka wadaan.

Dhinaca kale colaadan u dhaxaysa labadda beelood  ee deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag ayaa soo noq-noqotay, iyadoo dhawr jeer oo hore dagaalo dhex maray ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Sidoo kale waxaa weli ku sugan gobolka Sanaag xubno guddi nabadayn ah oo ka socday golaha Guurtidda Somaliland oo halkaas u tegay sidii loo xalin lahaa dirirta beelahaasi.

Hase yeeshee dagaalkii doraad dhacay ayaa imanaya iyadoon weli wax gogol nabadeed ama xal ah laga gaadhin colaadaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Offic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here