Somaliland oo laga helay Saddex qof oo kale Oo Qaba COVID 19

0
591

Hargeysa— Wasiir Horumarinta Caafimaadka Somaliland Ayaa Sheegay In 3 Qof Oo Kiisaskii Xanuunka Corona Ah Laga Helay Somaliland.

Wasiirka caafimaadka Somaliland wuxuu sheegay in seddex qof oo cusub laga hellay xanuunka Coronavirus.

Laba waxaa laga hellay magaaladda Hargeysa, midna waxaa laga hellay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Dhinaca kale waxaa badhtamaha magaaladda Hargeysa ku dhex dhintay saaka nin da’diisa lagu qiyaasay ilaa 70 sanno jir oo marka la sheegay inuu fadhiyay maqaaxi laga qaxweeyo. Ma cadda sababtu u dhintay, laakiin dad badan ayaa xukuumadda ka codsanaayay in maydka marxuumka laga baadho xanuunka Coronavirus intaan la aasan Allah ha u naxariisto eh.

Halkan hoos ka daawo Wasiirka Caafimadka oo arimahaasi ka hadlaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here