Qaxooti laga celiyay Giriiga oo gaadhay Turkiga + SAWIRRO

0
1281

HargeisaPress —Wadanka Turkiga ayaa waxaa gaaray dufcadihii ugu horeeyay ee dadka qaxootiga ah ee dib looga soo celinayo dhinaca dalka Giriiga, iyadoo uu taagan yahay muran xooggan oo arrintaan ku saabsan.

 

Dalalka Yurub ayaa ku adkeysanaya go’aankooda ku aaddan in ay xiraan marinka ay dadka magangalyo doonka ah ugu gudbayaan wadamada dhaqaalaha leh ee qaaraddaasi.

deal to return 3

Dhawaan ayay ahayd  markii si rasmi ah loo bilaabay howlaha kusaabsan dib u celinta dadka qaxootiga ah ee ku sugan wadanka Giriiga, kuwaasoo in mudo ah ku xanibnaa wadankaasi.

 

Doomo dhowr ah oo qaxootigaasi ay saaran yihiin ayaa kasoo shiraacday xeebaha Giriiga iyagoo dib ugu laabanaya wadanka Turkiga oo ay markii hore ay muhaajiriintu kasoo gudbeen.   Ciidamada booliska ee ku sugan jasiirada Lesbos ee dalka Giriiga ayaa wali ku howlan in ay dadka kale ee halkaasi ku sugan doomaha u socda dhinaca Turkiga saaraan.

deal to return

Wadamada ku jira midowga Yurub ayaa dhaqaale fara badan ku siinaya xukuumada Ankara in ay wax ka qabato qulqulka qaxootiga usii hayaamaya gudaha Yurub kuwaasoo marinkoodu yahay dalka Turkiga oo ay uga sii gudbaan dhinaca Giriiga dabadeedna qeybo kale oo Yurub ah.

2016413635961115724220283boy

Hase ahaatee kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si weyn u cambaareeyay  in muhaajiriinta dib loogu safriyo badda loo yaqaanno Aegean Sea ee u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Giriiga, arrintaasoo ay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah xuquuqda qaxootiga magangalyo doonka ah.   Dadka qaxootiga ah qudhooda ayaa mudaharaadyo ay arrintaan uga soo hor jeedaan ka sameeyay gudaha dalka Giriiga.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here