Qaramada Midoobey Oo Xaqirtay Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland Iyo Khariidad Lagu Bar-bar Dhigay Kami Ahaanshaha Maamul Goboleedada Somaliya Ka Jira Oo La Baahiyay

0
885

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo somaliya Mr Michael Keating ayaa fariimaha iyo qoraalada uu soo dhigayay todobaadadii u danbeeyey baraha ay bulshadu ay ku kulmaan ee Twitter -waxa uu si   badheedha u xaqiray jiritaanka qaranimada Somaliland,isaga oo qariidad uu magaca jamhuuriyadda Somaliland ku xar dhan tahay si indho la’aan ah u baahiyey kuna dhex daray maamul goboleedada doorashada dadban ka socoto ee ka jira somaliya.

Ninkan lagu magacaabo Mr Michael Keating oo madax u ah xafiiska qaramada midoobey ee Somaliland iyo somaliya loona soo magacaabay bishii January 2016 ayaan marna u muuqan mid dhex dhexaad u noqon kara Somaliland iyo somaliy,hadii si dublumaasiyan ah loo turjumo fariimaha iyo wararkan aan salka lahayn ee uu Somaliland ku dhaawacayo qaranimadeeda waxay noqonayaan fariimo uu si cad ugu xaqirey jiritaanka dawladnimo iyo bulshonimo ee jamhuuriyadda Somaliland isla markaana uu xaqa dastuuriga ah u leeyihiin,waxaana jaantuska qariirada maamul goboleedadu ay ku xardhan yihiin  (Somali Regional Map Admistrations) uu ku darsaday jamhuuriyadda Somaliland oo jaantuska qariidadaasi ku muujiyay inay kamid tahay maamul goboleedada kale ee somaliya ee kuraasta doorsahada baarlamaanka somaliya muqdisho loogu qaybinayo.

Qariidadaasi been abuurka ah ee uu kusoo daray Somaliland ayaa waxay muujinaysaa dhex-dhexaadnimo la’aanta ergaygan losoo magaacaabay arrimaha Somaliland iyo somaliya.

Masuulkan qaramada midoobey usoo dirsaday wakiilnimada arrimaha Somaliland iyo somaliya waxa ficiladan uu ku kacay si cad u tilmaamaysaa in aanay jirin sida uu isagu qabo dawlad Somaliland la yidhaahdaa,in aanay jirin wax wada hadal ah oo dhex yaala Somaliland iyo somaliya iyo wada xaajoodka mustaqbalka labada dhinac,in aanay garwaaqsanayn wax xasuuq ah oo shacabka Somaliland ay somaliya u gaysatay iyo in aanay wax dan ah ka lahayn aqoonsanayna dal Somaliland la yidhaahdaa inay jirto.

img_0288-740x416

Gabagabadiina hadalka iyo qoraaladan kasoo baxay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo somaliya Mr Keating ayaa noqonay kuwo dhaawac wayn ku ah qaranimada Somaliland iyo waliba go’aanka shacbi,waxaanay si cad u muujinayaan dhex dhexaadnimo la’aanta wakiilkan ay qaramada midoobey usoo dirsatay arrimaha Somaliland iyo somaliya.

Halkan hoose ka daalaco sawirada khariidada uu baahiyay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan somaliland iyo somaliya ee uu maamul goboleedada somaliya ka jira ku daray dawlada somaliland.

 

Xigasho Saxan-saxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here