Hay’adda UNICEF Oo Qoraal Raalligalin Ah U Soo Dirtay Wasaaradda Waxbarashada

0
1172
Wasiirka Waxbarashada iyo iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland md Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF ayaa markii ugu horraysay raalligalin ka bixisay hadallo mid ka mid ah masuuliyiinteedu kula kacay madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

 

Qoraal raalligalin ah oo ay ku saxeexan tahay madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed, ayaa la soo gaadhsiiyay wasiirka waxbarashada.

Qoraalka marwo Aamina Maxamed ayaa daba socday kadib markii hay’addeeda lagaga guulaystay mashruuc lagu horumarinayo Waxbarashada oo ay u tartameen hay’adaha Save The Children iyo UNICEF.

Qoraalkan raalligalinta ah oo tixraaciisu ahaa (SOM/HAR/16/242), kuna taariikhaysnaa 30kii Noofambar 2016, oo ay nuqul ka mid ah Warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in aanay dib u dhici doonin qadafka uu ku tallaabsaday masuulka UNICEF.

“Waxaannu yiqiinsannahay in masuulkayagu u dhaqmay si aan habboonayn, si niyad ahna waannu idiinka raalligalinaynaa,” ayaa lagu bilaabay qoraalka raalli-galinta ah ee hay’adda UNICEF, xafiiskeeda Somaliland.

“Hawlwadeennadayada qaarkood waxa qaadi karta caadifadda mararka ay la kulmaan xaalado adag, sida tan hadda dhacday oo kale” ayay tidhi Marwo Aamina Maxamed, waxaanay intaa raacisay, “Arrintan waxaannu ka wada hadalnay hawlwadeenkii ay khusaysay ee gefka sameeyay, wuu qiray qaladkii uu sameeyay, waanuu ka qoomamooday. Waxa ka go’an in aanu dib u samayn gef kale.”

Qoraalka madaxa xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed, waxa lagu soo afmeeray: “Waxa naga go’an inaannu sii wadno wada-shaqaynta aannu la leennahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo taageerista xaqa uu ilme kastaa ba u leeyahay in uu waxbarasho helo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here