Washington (Hargeisa Press)- Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland ayaa waxaa uu ja hadley baaq ay dhawaan soo saareen dhalinyaro reer Somaliland ah.
Prof. Samater ayaa waxaa uu ku baaqay in la dhagaysto baaqaasi ay sida wadajirka ah ย u soo saareen dhallinyaradaasi oo boqol ka badanaa.
Axmed Ismaaciil Samater oo farriin email ah oo uu u diray dad tiro badan oo uu sidoo kale raaciyay muuqaalka dhallinyaradaas baaqa dirtay, oo uu ku qoray luuqadda Ingiriisida, ayaa u dhignaa sidan:-
โMaalinta xus u gaarka ahi waxa ay ka mid tahay xilliyada ugu haboon ee la sameeyo dabaal-deg iyo is-naqdin caqli ku dhisan oo lagu qiimeeyo wixii tegay, joogtada iyo mustaqbalka. Waxa ay tani muhiim u sii tahay bulshada si dhab ah uga walaacsan xaaladda baraaruga shacab iyo sida ay u hawlgalaan hayโaddaha dhexe.
Kuwani waa qaar ka mid ah codadka yididiilada leh ee dhalinyarada Somaliland. Waxaan u arkaa inay qiimo badan leedahay in la dhegaysto oo si maangal ah looga fekero walaaca ay qabaan.โayuu yidhi Prof: Axmed Ismaaciil Samater.