Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Jig-jiga Ku Geeriyooday

0
1039

Jig-jiga (Hargeisa Press): Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaaladda Jig-jiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku geeritoodat Prof. Cali Khaliif Galaydh.
Geeridda Prof. Galaydh, waxaa xaqiijiyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Cali Khaliif, ayaa maalmahan magalaadda Jig-jiga ka u joogay hawlo shaqo oo u gaar ah.
Lama sheegin wax xanuun ah oo uu qabay marxuumku, hase yeeshee sababta geeridiisa ayaa lagu tilmaamay xanuun ku soo boodo ah, sida ay eheladiisu sheegeen.
Alle ha u naxariistee Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa raysal wasaare ka soo noqday xukuumaddii C/qaasim Salaad Xasan.
Prof. Galaydh, ayaa mar soo ahaa madaxweynaha maamulkii Khaatumo, ka hor intii aanu maamulkiisu heshiis la gelin Somaliland.


Geesta kale Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka mid ahaa xubnihii siyaasiyiinta ahaa ee saxeexay gooni isu taaga Somaliland shirweynihii nabadaynta beelaha Somaliland degga ee Burco ka qabsoomay sanadkii 1991-kii.
Sidoo kale Cali Khaliif, ayaa goob joog ka ahaa shirweynihii labaad ee dhidibadda loogu taagay dawladnimadda Somaliland ee ka dhacay Boorama sanadkii 1993-kii.
ayaa xilal sare ka soo qabtay dawladii Maxamed Siyaad Barre.
Dhinaca kale Cali Khaliif, ayaa macalin ka soo noqday jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ee muqdisho iyo jaamacad ku taalla dalka Maraykanka.
Weli lama sheegin goobta lagu aasi doono marxuum Cali Khaliif Galaydh.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here