Premeir Bank Oo Soo Gebagabeeyay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga

0
597

Hargaysa (HP): Waxaa caawa la soo gebagabeeyay tartanka Hal-abuurka ganacsiga ee uu Premier Bank u qabtay ardayda jaamacadaha Somaliland wax ka barta.


Hal-abuurkan ganacsi oo ay ku tartameen 20 hal-abuure ayaa caawa waxaa abaalmarin maaliyadeed guddoonsiiyay seddaxdii hal-abuur ee kaalmaha ugu horreeyay ka gashay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga.
Waxaana munaasibadii lagu soo xidhayay tartankaasi ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), madaxda Premier Bank, iyo masuuliyiin kale.
Tartankaasi ganacsi oo ay ka qayb qaateen 11 jaamacadood oo Somaliland ku yaala, ayaa lagu tartamayey 20 mashruuc.
Waxaana guulaystay saddex mashruuc oo ka mid ah labaatankii mashruuc ee lagu tartamay.
Kaasoo ay ku guulaysteen Sahal monitoring fuel consumption system, oo ka socotay jaamacadda Gollis ayaa kaalinta koowaad galay, waxaanu ku guulaysteen $9000.

Kaalinta labaad Tayo Eye care and optical oo ka socday Adal medical university Borama ay galeen kuna guulaysteen $7000.
Halka kaalinta saddexaad waxa ku guulaystay Super cleaning service ka socday Beder university kuna guulaystay $5000.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa Premeir Bank ku bogaadiyay tartanka gal-abuurka ganacsiga ee uu sameeyay.

Geesta kale guulaystayaashii kaalinta koowaad ku guulaystay ee Sahal Monitoring Fuel Consumption oo helay lacag dhan $9000 ayaa ka war bixiyey dareenkooda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here