Madaxweyne Bixi oo Cafis U Fidiyay 360 Maxbuus

0
1069
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxweyne oo uu maanta soo saaray cafis ugu fidiyay Maxaabiis, kuwaas oo ku jira Xabsiyada kala Duwan ee Somaliland.

Wareegtada ka soo baxayday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland ee summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-857/052022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Tirada maxaabiista uu cafiska u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa gaadhaya illaa 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Farqadiisa 5aad;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/142/2022, kuna taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan Arkay:  Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/98/2022, kuna taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here