Xog Ku Saabsan Biyo-xidheenka Gabiley

0
1569

Illaa intii dadku daawaday War-bixinta laga sameeyay Biyo-xidheenka Qaranka ee duleedka Gabiley laga hirgeliyey, waxa soo badanaya dad sheegaya in Mashruucaa la qariyey, sababta loo qarinayeyna tahay in Cid gaar ah looga faa’idaynayo.

Laakiin, xaqiiqadu way ka duwan tahay sida dadka qaarkood ay warka u dhigayaan.

Mashruuca Biyo-xidheenka Gabiley oo durba la Mahadiyey, bilowna u ah Mashaariic caynkaas ah oo Qorshaysan in dalka laga fuliyo, waxa iclaamiyey Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland, waxaana xilligaa hirgelintiisa si furan ugu tartamay Shirkado Maxalli ah, waxaana Qandaraaskaa ku guulaysatay Shirkadda hadda hirgelisay Biyo-xidheenkan muhiimka ah.

Biyo-xidheenku wuu ka weyn yahay wax la QARIYO, waxaanu ka mid ahaa illaa 3 Mashruuc oo Guddiga Qandaraasyada Qaranku soo bandhigeen sannadkii labaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaasi oo ka mid ahaayeen laba dhisme oo cusub oo loo hirgeliyey laba ka mid ah Hay’addaha Qaranka Somaliland.

Intaa waxa dheer, inta badan dadkeena marka la yidhaahdo deegaankaa Mashruucbaa laga fulinayaa, waxa dhex roora dad ujeeddooyin gaar ah leh oo dadka Tushuush ku fura, sidaasi darteed sida aan maqlay waxa la door-biday in hoos loo dhigo Wararka ku saabsan Biyo-xidheenka, taasi oo laga dhaxlay in Mashruucu si aamusnaan ah Qaranka ugu hirgelo, laakiin wax la qariyey iyo in Cid gaar ah looga faa’idaynayaa ma jirto.

Xogtan qayb ka mid ah waxaa ila wadaagay xubin ka mid ah Shirkadihii Tartanka u galay Biyo-xidheenkan, balse aan ku guulaysanin.

Ugu dambayn, waxaan ku talinayaa in aan laga koro in mashaariicda dalkeena ka hirgala aan indho-siyaasadeed ama indho-qabiilaysan lagu eegin, balse la dhiirigeliyo, si mashaariicaha kalena inoogu hirgelaan, maaddaama oo hadalka aan wanaagsanayn uu shaki ku abuuri karo Shirkadaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee doonaya inay dalka Maalgashaan.

Allaa Mahad Leh.

W/Q: Cabdiqaadir Carab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here